Nin-ba Tacabkii Tallooy Kaa Maal. ( Abdi-Shotaly).

Thursday October 03, 2024 - 11:27:26
Hadhwanaagtv
* N.B Nin Is Waalaaba Waabiyaa Hela!
No description available.

Horaa loo yidhi " Ninka soo joog laga waayo, soo jiifa baa laga helaa" Askariga Raggii ma adigaa ka hadhay " Imika baa indhi-hiisii cirka arkeen" meel uu qabsado la'yahay, tallo ka carceertay, qabkii beenta ahaa iyo khiyaaliggii uu iska dhaadhi-ciyey, oo uu cidhib-teeddii maalay, afkii iyo cidhbi-hiisii isku xidhmeen, meel uu ka baxo iyo geed uu qabsadaa mid-na aanu jirin, bad-weyn dooniyi kula gadoontay, cid waliba ka dhaqaaqday, oo caynkii iyo baydii cidla ugu go'een. Maamulkii " Xaafad-tooyadda" way u dhamaatay, oo waa ku jiq, beentii iyo ila-meeraysaddii shaqayn wayday, oo naftii qanjaha bay isugu soo ururtay, xabaal u qodanina ma jirto iyo cid ku ridaa, iska daa faataxo loo akhriyo'e, xataa ma jiraan cid mayd-kiisa maydhaysaa, alhristaw" Qof kastaa-ba midhuhuu beerto buu madhaxeeda gurtaaye" imika buu askarigu si xun u dhul galay.

Maaha-maah baa ahayd " Nin-ba tacabkii talooy kaa maal" waa xaqiiq oo waa jaas askariggii " Xaafad-yoodu" dhitaddii uu lushay ciir-teeddii maanta dhamay, waa kaa cidladda dabayshaday, siiddii geelii casarka cadceedsan jirey, waa kaa dabadda jeediyey. Nin isagoo aan wax-ba qabin is waali jirey, oo magaca loogu yeedhaa ahaa " Ina is waal--waal" baa maalin ayaamaha ka mid ah, wuxuu siddii ahaado-ba mid dhab u waalan la is helay, ninkii "Ina is waal-waal" baa wuxuu ku waashay " waar ninkan waalan iga qabta" ummaddii baa yaabtay oo tidhi " Nin is waala-ba waabiyaa helaa" Waxan muwaadin uga socdaa aan ku soo dhawaado'e, askariggii guriga moorgan ku jirey, wuxuu afka taago-ba, kolba meel aan loo fadhiyin isku qaado-ba, gardiid noqdo-ba, oo uu is dhego tiraba, maanta waxa ku soo baxay wax aanu meesha-ba soo dhigan, oo aanu filayn-ba in ay sidan u dhici doonto., dabeed waa kaas dhafoorka iyo labadda dhaban haysta ee taayiraddii waaqla kaga banjareen.

Akhriste, ummadda Reer S/Land 100% maanta Waxay yihiin Xusbiga Is-Bedel Doonka ah ee Waddani min daraf ilaa daraf, beelihii kulmiye dhisay ee la baxay " Jeegaan, Arab, Gabooye, Samaroon, Ciise, Ayuub, Tol-Jecllo, Harti iyo Akishe, waxay haatan isugu biyo shubteen " Waddani" Is-Casilaadda maamulka askartu way xad iyo tiro beeshay, toos baa "qudhmiye" Looga dareeray Gobol ilaa Gobol. Askariggii waxa waabiyey " Dr Cirro" oo ummaddii ka kaxaystay" Bari ila Galbeed" una dhigay deris lama ilaawaan ah, kaaga darane ila 10 heesood oo ay qaadayaan fanaanta kala ah " Ugbaad Aragsan, Xidigaha Geeska" iyo qaar kaloo badani, waxay dhamaan qaadaa-dhigayaan ficiladdii uu ku kacay iyo xumaantii uu ummadda u geeystay, burburka dalkii iyo dadka, kala yaaca ku yimi ummaddii markuu isku direy, si uu uga faa'iidatsto, taas oo keentay in ay isaga dib ugu soo noqoto, wixii uu falki-naayey iyo xududuuddii oo ku soo koobantay " OOG" buu mar kale faka-lool iyo qalbi jab uu ledi waayey ka sii qaaday. Waxan ku soo xakameeyey qoraalkan, inta ku hadhay iyana dhawaan bay ka dareera-yaan ee wuxu hayo ee kale ha soo daayo waa loo mini fadhiyaaye.

* N.B Nin Is Waalaaba Waabiyaa Hela!

Qore:- Abdi-Shotaly.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...