Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlay, Doorashooyinka, Nabadgelyada iyo Fasaxa Guurtida

Monday October 07, 2024 - 08:55:15
hadhwanaagtv
Fadhigi shalay ee golaha guurtida S/land, oo uu shir guddoominayey ...



Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay adkaynta nabadgelyadda iyo amniga dalka iyo fasax dhan laba bilood oo goluhu galay.

 

Fadhigi shalay ee golaha guurtida S/land, oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaasheegay in dalku gudo-gelayo hawlihii doorashadda, waxaanu Mudaneyaashana kula dardaarmay illaalinta amniga guud ee dalka iyo adkaynta nabadgelyada waddanka, maadaama oo ay dalka ku soo wajahan yihiin doorashooyinkii isku sidkana.

 

Dhinaca kalena, guddoomiye Saleebaan ayaa Guddoomiyeyaasha Guddi hoosaadyada Golahaasi ka codsadey in guddi kasta warbixintii ay gacanta ku haysay soo gudbiso, isla markaana ay ku wareejiyaan xoghayaha guud ee golahaasi Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi.

 

Gaba-gabadii, guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane- Saleebaan Maxamuud Aadan uu Mudaneyaasha Golahaas uu ku wargaliyey in Mudanayaashu gudo-geli doonaan fasaxoodii dastuuriga ahaa oo dhan muddo laba bilood ah, kaas oo ka bilaabmaya 17-ka bishan, kuna eg 21 December


     
Loading...