Somaliland oo doorashooyinka u adeegsanaysa Agab Naadir ku ah Dunida saddexaad

Thursday October 03, 2024 - 10:38:22
hadhwanaag
Waxa qalabkaasi lagu galay doorashadii goleyaasha wakiillada...


Somaliland ayaa doorashada isku sidkan ee madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ee muddaysan 13ka November 2024, adeegsanaysa sawirka aqoonsanaya bu’da indhaha ee casriga ah, kaasi oo xaqiijinaya hufnanta doorashooyinka S/land.


 

Warbixin lagu faafiyay warbaahinta Taiwan oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in qalabka xaqiijinta codbixiyeyaasha (Iris biometric voter verification) oo tiradoodu dhan tahay 2,500oo mishiin Taiwan ugu deeqday S/land 2021kii, mar kale lagu geli doono doorashada fooda innagu soo haysa, iyadoo laga isticmaali doono lixda magaalo ee ugu weyndalka.


 

Waxa qalabkaasi lagu galay doorashadii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee sida xorta ah uga qabsoontay S/land 31 May 2021, kaasi oo ah nidaam naadir ku ah afrika iyo dunida saddexaad.


 

Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland Allen Lou ayaa ku ammaanay xukuumadda S/land sida ay uga go’an tahay in doorashada madaxtooyada iyo ta ururrada siyaasaddu ay dalka uga qabsoonto hannaan daahfuran oo xor iyo xalaal ah.


 

Taiwan ayaa dhawaan Guddida doorashooyinka ugu deeqday 2 Milyan oo doolar oo qayb ka ah dhaqaalaha lagu qabanayo doorashooyinka S/land.

     
Loading...