kulankan ayaa isugu jirey isbarasho iyo sidii loo sii xoojin
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramadda Midoobay u fadhiya magaaladda Hargeysa ee caasimadda JSL, mudane Nikolai Rogosaroff,
kulankan ayaa isugu jirey isbarasho iyo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka iyo wada-shaqaynta labada dhinac ee Qaramada Midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale Kulankan waxa wasiirka ku weheliyey Agaasimaha-Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, mudane Ahmed Abokor Mohamed.