Xukuumadda oo Dawladda Taiwan Kala Wareegtay Dhaqaale Loogu Talogalay Doorashooyinka Dalka

Monday September 30, 2024 - 11:25:42
hadhwanaagnews
Kulankan kooban ee lagula kala wareegayay taageerada dhaqaale ...



Xukuumadda Somaliland ayaa dawladda Taiwan kala wareegtay dhaqaale loogu talogalay in lagu taageero Doorashooyinka dalka ka qabsoomaya 13 November.

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa safiirka dalka Taiwan u fadhiya Somaliland kala wareegay qadar lacageed oo dhan laba Miyan oo Dollar, kaasi oo ay Taiwan ugu talogashay inay ku taageerto Doorashooyinka dalka.

 

Kulankan ayaa waxa goob joog ahaa guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf iyo xubno ka mid ah masuuliyiinta Komishanka, sidoo kale waxa goob joog ahaa safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland.

 

Kulankan kooban ee lagula kala wareegayay taageerada dhaqaale ayaa waxa ugu horayn ka hadlay safiirka dawladda Taiwan ee Somaliland, kaasi oo faahfaahiyay dhaqaalahan ay ugu talogaleen Doorashooyinka,isaga oo sheegay in aanay ahayn markii u horaysay ee ay kaalin muuqata ka gaystaan Doorashooyink Somaliland, waxaanu xusay in ay sii wadi doonaa wixii caawimaad ah ee ay la dhinac joogsanayaan Doorashoyinka dalka.

 

Wasiirka Maaliyada Somaliland iyo Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ayaa u mahadceliyey dawladda Taiwan, taageerada dhaqaale ee ay ka gaysteen doorashooyinkii hore ee 2021 iyo taageerada cusub ee ay ka gaysanayaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada Somaliland.

 

Wasiirka Maaliyadda Somaliland ayaa tilmaamay in xidhiidh wanaagsan uu ka dhexeeyo Somaliland iyo Taiwan, taasi oo uu xusay in ay wadaagaan in labada dalba ay aaminsan yihiin inay dadku wax doortaan.

 

Dhankiisa gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf ayaa balan qaaday in dhaqaalahaasi ay Taiwan ugu talogashay Doorashooyinka ay marin doonaa nidaamkii loogu talogalay.

     
Loading...