Wax ka ogow 5 shaqo iyo xirfado oo mustaqbalka aad loogu baahan doono

Friday September 27, 2024 - 13:40:53
hadhwanaag
Cilmi baarayaal ka tirsan madasha dhaqaalaha adduunkA



Suuqa shaqada dunida ayaa aad isu badalaya marba marka ka danbeysa, waxaana meesha ka sii baxaya shaqooyin badan oo dhawaan gebi ahaanba hawada ka bixi doona.

 

Sida lagu sheegay daraasad ay dhawaan sameysay madasha dhaqaalaha adduunka, soo ifbixidda tiknoolajiyadda casriga ah iyo Robbot-yada loo naqshadeeyay sida bini’aadanka iyo mashiinada ayaa Meesha ka saari doona shaqooyin badan oo ay haatan dadku qabtaan.

 

Dhanka kale tiknoolajiyadda ayaa kor u qaadeysa dhaqaalaha inkasta oo ay Meesha ka saareyso shaqooyinka qaar, sida lagu sheegay daraasadda.

 

Cilmi baarayaal ka tirsan madasha dhaqaalaha adduunka ayaa sheegay in ku dhawaad afar meelood meel dhammaan xirfadaha hadda jira ay isbeddeli doonaan shanta sano ee soo socota.

 

Si hadaba aad ugu guuleysato suuqa shaqada waxaa lagama maarmaan ah in si joogto ah aad u barato xirfadaha cusub iyo shaqooyinka mustaqbalka fog.

Xirfadaha ugu muhiimsan

1. Tiknoolajiyadda cusub

Waxyaabaha ugu rajjada badan suuqa mustaqbalka waxaa kamid ah tiknoolajiyadda taas oo marba marka ka danbeysa sameeneysa horumar.

 

Garaadka macmalka ‘AI’ ee lagu soo kordhiyay tiknoolajiyadda ayaa qeyb ka ah waxyaabaha ay tahay in la barto sida uu u shaqeeyo.

 

Waxaa sidoo kale muhiim ah in la barto injineeriyadda kombuyuutarka taas oo ah mid mustaqbalkeedu yahay mid suuq leh waxa ayna kamid tahay kuwa ugu rajada badan.

 

Shaqooyinka kale ee suurtagalka ah ee la xiira aaladda ‘AI’ waxaa kamid ah xog uruurinta garaadka macmalka ah, dhanka ammaanka kombuyuutarada, iyo aaladaha dhijitaalka ah.

 

Marka laga hadlayo garaadka macmalka ah, xirfadlayaasha ayaa lagula taliyaa in ay xooga saaraan tan taas oo tartan adag noqon doonta mustaqbalka fog.

 

Khuburada amniga kombuyuutarrada waxa ay ku taliyaan in jiilka danbe ay diiradda saaraan barashada tiknoolajiyadda iyo aaladaha la xiriira kombuyuutarada oo ay ugu horreeyaan aaladaha garaadka macmalka ah.

 

Dhanka kale falaqeeyayaasha dhaqaalaha ee dhanka tiknoolajiyadda ayaa iyana ku taliya in xoogga la saaro tiknoolajiyadda casriga ah halkaas oo lacago badan laga sameyn karo.

 

2. Shaqooyinka "cagaaran".

 

Marka la eego warbixinta madasha dhaqaalaha adduunka ee 2023, shaqooyinka mustaqbalka loo baahan doono waxaa kamid ah wax soo saarka beeraha iyo warshadeyntoodaba.

 

Kala guurka dunida ayaa abuuri kara fursado shaqo oo gaaraya 30-milyan kuwaas oo la xiriira bii’ada iyo tamarta kuwaas oo laga dhalinayo dhirta.

 

Dalalka haatan hormuudka u ah fursadaha shaqo ee tamarta cagaaran iyo horumarka deegaanka oo ay kamidka yihiin wadamada reer galbeedka, Shiinaha iyo Japan, ayaa la sii qabsanaya baahiyaha loo qabo dad mustaqbalka ka shaqeeya shaqooyinka beeraha la xiriira.

 

Shaqooyinkaan ayaa ah kuwo la xiriira ganacsiga, sayniska iyo deefaanka, waxaana iyada oo la isticmaalayo warshado dhirta dib logu adeegsankaraa horumarinta tamarta dib loo cusbooneysiiyo, sidoo kale dhirta ayaa qeyb ka qaadata ilaalinta deegaanka xilliyada isbadalka cimilada.

 

Dhirta ayaa sidoo kale qeyb ka ah agabyada dhismayaasha loo isticmaalo iyo kuwa naqshadaha ah.

 

Waxaa sidoo kale la filayaa in ay kororto baahida loo qabo dad ka shaqeeya beeraha, maadaama dal kasta oo caalamka ah uu ubaahanyahay in uu soo saaro cunto iyo manaafacaad kale oo uu dunida u dhoof geeyo.

 

3. Xirfadlayaasha caafimaadka

Dad badan oo caalamka ku nool ayaa da’ ah waxaana aad loogu baahnaan doonaa dad ka shaqeeya daryeelka iyo daaweynta dadka waaweyn.

 

Sidaa darteed waxaa sare u kici doonta baahida loo qabi doono dadka leh xirfadaha caafimaadka iyo daryeelka dadkaas.

 

Waxaa kale oo dadka waayeelka ah ay u baahan doonaan dad ka caawiya cilmi nafsiga kuwaas oo qalbi ahaan ula tacaala.

 

Dhaqaatiirta iyo khuburada caafimaadka ayaa lagula taliyaa in ay si joogto ah u bartaan hababka cusub ee ay noloshu isku badaleyso si ay boosaska shaqada uga mid noqdaan.

 

Waxaa kamid ah waxyaabaha looga baahandoono dhaqaatiirta in ay aad u bartaan daryeelka caafimaadka dadka waaweyn gaar ahaan dhanka cilmu nafsiga iyo qarinta sirta bukaanka si ay shakhsiga ay la macaamilayaan u ilaaliyaan howlihiisa gaarka ah.

 

4. Shaqooyinka gacanta

Sanadaha soo socda, xirfadlayaasha shaqada gacanta sida makaanikada, dayactirka, korontada ama dadka ka shaqeeya dhismayaasha ayaa kamid noqon doona kuwa aadka loogu baahanayo.

 

Shaqooyinkaan badankood ma ahaan doonaan kuwo looga maarmo bini’aadanka, maadaama.

 

Balse si ay u joogteeyaan boosaskooda shaqada waxaa looga baahan doonaa in joogteeyaan xirfadahooda iyo in ay la macaamilaan isbadalka dunida oo ay tiknoolajiyadda ugu horreyso.

 

5. Gudbinta sheekoyinka iyo qoraalada

Xirfaddaan oo ah mid naadir ah sidoo kalena aan haatan aad loo fahansaneyn ayaa kamid noqon doonta kuwa loo baahan doono mustaqbalka, iyadoona loo baahanayo dad sheekooyinka soo gudbiya.

 

Waayadii hore waxaa yaraa soo gudbinta sheekooyinka iyo dhacdooyinka waxa ayna ahayd mid haatan laga gudbayo.

 

Waxaa aad loogu baahan doonaa dad soo gudbiya qoraalada sida, wararka, sheekooyinka fanka la xiriira, gabayada, sheekooyinka qarsoon iyo kuwa aflaanta.

 

Kumanaan sano kahor waxaa jiray shaqooyin ay dadku qaban jireen kuwaas ooh adda Meesha ka baxay, shaqo kastana waxa ay leedahay waqti ay dabar go’do.

 

Shaqooyinka meesha ka bixi doona

Waxaa jiri doona shaqooyin badan kuwaas oo dhawaan suuqa isaga bixi doona, qaar kamid ah kuwa laga cabsida qabo in ay dhawaan suuqa ka baxaan waxaa kamid ah.

 

U adeegidda macaamiisha, sida lacag qabashada, dadka wax iibiya, iyo lataliyayaasha.

Maamulidda xafiiska, taas oo Meesha ka saareysa in aaladaha macmalka ah ay qabtaan.

Keydinta macluumaadka

Xisaabaadka

Shaqaalaha warshadaha ee qabta shaqooyinka isku midka ah


BBC/SOMALI

     
Loading...