Isbedelkastaa Hogaamiye Ka Daacada Oo Cusub Buu U Baahanyey.

Sunday August 25, 2024 - 08:19:17
Hadhwanaagtv
Bulshada Reer Somaliland Waxaa Horyaal Oo Mustaqbalka

No description available.

Dad Badan Baa U Haysta Noloshan Ay Reer Somaliland Ku Jiraan Inaan Quranka Karimka Ahi Is Dul Taagin. Maqaalkan Magaciisu Yahay Isbedelkasta Wuxuu U Baahanyey Hogaamiye Cusub Oo Ka Daacada Isbedelka , Waa Ayad Quraana, Halkay Quraanka Kaga Jirtana Waxay (Home Work) Tahay Culimada Daaciyiiinta Ah Ee Reer Somaliland. Runtii Caalim Mufti Ah Oo Fadwoon Kara Intaan Aqaan Waxaa U Dambeeyey Sh. Cali Warsame Allah Naxariistii Jano Hasiiyee.


 

Bulshada Reer Somaliland Waxaa Horyaal Oo Mustaqbalka Ummadda Reer Somaliland Ku Soo Waajan Dhawr Arimood Oo Qofkasta Nolashiisa Taaban Doona(Regardless )Qabiikuu Yahay. Arimahaasi Isbedel Bay U Baahan Yihiin:


 

1- Waa Dhaqaalaha Ay Burburisaysay Muse Biixi Iyo Xukuumadiisu Welina Ku Taagantay Tubtii Ay Ku Burburisay.

 

2-Waa Nabadda Ay Ka Burburisay Reer Somaliland Oo Weli Muse DAGAAL Ku Baaqayo.

 

3 - Ethiopia Oo Dhul Iyo Bad Uu U SAXEEXAY MUSE BIIXI OO QUDHI, U.N Ka Io Ururka AFRIKA Hordhigaysa Dagaal Qadhaadhna Somali Oo Dhan Iyo XABASHI Ka Dhex Qarxidoono Iyo Jabouti Oo Uu GAWRACAY.

 

4 - Reer Somaliland Oo Midnimadoodu Rajo Beel Noqon Doonto Hadduu Isbedel Dhiciwaayo.

 

5- Muse Biixi Oo Inuu Kasii Daro Mooyee Aan Wax Isbedela Soo Wadin Hubaal.

 

6- Xabashi Oo Xeebta Awdal SHAN Million Oo Qof Ku Degaamayn Doonta Si Ay Kaluunka Ula Soo Baxaan.


 

Reer Somaliland Taariikhda Wixii Soo Maray Ma Dhugtaan, Shalay Bay Ahayd Markii Isticmaarkii Ingiriiska Ku Wareejiyey Xabashida Dhulkii La Odhan Jiray HAWD IYO RESERVE AREA EE AHAA XARSHIN Ilaa Jigjiga Agteeda Iyo Harta Shiikha Iyo Awaare Iyo Gaashaamo Degaanadooda, Ma Is Weydiiseen Xabashidu Waxay Bulshadii Reer Somaliland Ee Degaanadaa Ku Noolaa Waxay Ku Samaysay. Waxay Geliay Bandoo , Afarta Galabnimo Qofkii Xaroon Waayo Jeelashay Ka Buuxisay Dadkii. Waa Berigay Soo Baxday Maahmaahda Ahayd ' Xabashi Yimidaaba Faranji-Xaaji.

 

Qodobka Kale Ee Iga Soo Jeedina Waxa Weeye Luqadda Ay Siyaasiyiinta Muxaafad Iyo Mucaarad Iyo Iyo Madaxweyne Iyo Musharax Xisbi Iyo Gudoomiyayaal; Luqadii Siyaasadaba Ayku Soo Badatay Oo Lagu Subaxaanalaysto Hebel Waa Abtigay, Waa Seedigay, Waa Inaadeerkay Iyo Wax La Midoo Badan Markaad Arintaa Lafo Gurtana Waa Qabyaaladii Oon Biyo Ismarin Hadda Ummado, Qabaail Badan Oon Laba Kala Guursan Baa Wadanka Idinla Leh Oo Iyagu Isbedelka Xittaa Weligood Dhakhtarada Ugu Jiray Markaa Luqad Cusub Oo Xagga Siyaasadda Laga Bilaabo Ayaa Xusbiyada Leh Isbedel Baanu Soo Wadanaa Laga Rabaa Oo Madaxdoodu Curiyaan.

 

Shucuubta Marka Wax La Barayo Xukaamtooda Iyo Madaxdooda Ayaa U Bilaaba Markaasa Dadkuna Ku Daydaa.

Tusaale, Ingiriisku Markuu Wadankiisa Shaaha Barayey Mudo Royal Famliy Ayaa Cabayey Shirkadda Shaaha Europe Keentana Boqoradaa Lahaa,Cigaarku, Pepe Ka Bariiska Sidaasaa Shucuubta Lagu Baray Wax Kasta. Madaxda Reer Somaliland Mucaarid Iyo Muxaafadba Haddaa Afkiina Luqad Xun Kasii Daysaan Oo Cay Iyo Wixii La Mida Ummaddoo Dhami Way Caytamaysaa. Imikana Cadaymo Badan Baa Ina Horyaal. Isbedelkan Ummadda Dhegahooda Ku Batay Imikaba Sii Bilaaba Luqad Cusub Iyo Isbedelka Wixii Aad Awood U Leedihiin Ee Wanaagsan.


 

WA BILLAAHI TAWFIIQ.

 

QORAA M BASHE.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...