DEG DEG FIQI oo war cusub kasoo saaray wada-hadaladdii lagu kala kacay ee ANKARA

Tuesday August 13, 2024 - 19:18:21
hadhawanaag
Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku mari...


May be an image of 1 person and text

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo qoraal kooban soo saaray ayaa faah-faahin ka bixiyay wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya uga socday Turkiga ee maanta kusoo dhammaaday fashilka.

 

Fiqi oo hoggaaminayay wafdiga Soomaaliya ku metalayay wada-hadalka ayaa sheegay inuu soo dhammaaday wareeggii labaad, balse ma shaacin wax natiijo ah oo laga gaaray.

 

Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay dowladda Turkiga oo iyada gogosha dhigtay, isla markaana dhex-dhexaadineyso Soomaaliya iyo Itoobiya oo isku hayo heshiiska badda.

 

"Waxaa soo dhamaaday wareeggii 2aad ee wadahadlka inoo dhexeeyey annaga & dawladda aan deriska nahay. Mahad ballaaran walaalaheen Türkiye oo dadaal weyn bixiyey, gogosha 3aadna dalkooda lagu ballamay” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

 

Waxaa kale oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya aanu isbeddalin mowqifkeeda, welina halkiisii uu yahay, illaa Itoobiya ay ka laabaneyso heshiiska ay la gashay Somaliland.

 

"Soomaaliya mawqifkeedu waa hal mid oo aan aqbalayn "ku qabso ku qadi mayside” ayuu mar kale qoraalkiisa yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku mari waayey qodobo ay kamid yihiin soo afjarida is-afgaradkii Somaliland iyo waxa xigga, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay mowqifkeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda.

 

Dhinacyada ayaa markale u ballamay in wareeg 3-aad la isugu soo laabto bisha soo socoto ee September, waxaana sidaas mar labaad loogu kala kacay wada-hadaladii xalka loogu raadinayay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, oo dadaal badan uu ka galay Turkiga.

 

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa diidany in toos la isku hor fariisto ilaa inta Itoobiya ay ka laabaneyso heshiis beenaadkii ay la gashay maamulka Somaliland.

     
Loading...