War Cusub oo ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Sunday August 18, 2024 - 17:27:51
Hadhwanaag
Madaxda Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda oo halkaas
May be an image of 8 people, speaker and lighting


Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta xarunta Guriga Shaqaalaha ku soo bandhiggay Nidaamka Hubinta Cod-bixiyeyaasha Booyoomitrigga IRIS- BVVS. Kulankaas waxaa ka soo qaybqaatay Madaxda Xisbiyada/Ururrada Siyaasadda, Madaxda Dalladda Ururrada Balshada ee SONSAF iyo dadwayne ka mid ah codbixiyeyaasha ka diiwaangashan goobta Guriga Shaqaalaha.

KDQ waxay halkaas si dhammaystiran ugu warbixiyey hanaanka Nidaamka Hubiata Codbixiyeyaasha IRIS-BVVS ka, waxaana halkaasi si daahfuran lagu tijaabiyey Nidaamka IRIS-BVVS, tijaabadaas oo laga qaaday qaar ka mid dadweynaha iyo madaxda Xisbiyada/Urradda ee ka diiwangashanaa goobta Guriga Shaqaalaha.

Madaxda Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda oo halkaasi ka hadlay, ayaa KDQ la wadaagay dareenadooda taban iyo togan ee ay ka qabaan fullinta Nidaamka Hubinta Cod-bixiyeyaasha Booyoomitrigga IRIS-BVVS ka.

 Waxaanay dalbadeen in shir wadatashi ay iskugu yimaadaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL.

Ugu danbayn waxaa lays la qaatay in marka la soo dhameeyo Tijaabada Rasmiga (IRIS-BVVS Field Test), la qabto shir lays kula lafaguro dhammaan arimaha la xidhiidha nidaamka BVVS.

May be an image of 5 people
May be an image of 6 people
May be an image of dais and text
May be an image of 7 people, suit, wedding and dais
May be an image of 2 people and beard

     
Loading...