Sawirro Maxay tahay farriinta uu danjiraha cusub ee Shiinaha soo gaarsiiyay Xasan?

Thursday August 22, 2024 - 08:23:49
hadhwanaagnews
Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladdaha taageerada siiya Soomaaliya


May be an image of 5 people and dais

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay madaxtooyada qaanka, danjiraha cusub ee Shiinaha usoo magacowday dalkeenna Mudane Wang Yu.

 

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsigiisa safiirnimo danjiraha cusub ee Shiinaha Mr. Wang.


 

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey safiirka cusub sida diirran ee uu u soo bandhigay doonista uu u qabo inuu xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

 

Sidoo kale waxa uu tilmaamay ahmiyad ay leedahay xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.


 

Safiirka cusub ee Shiinaha Mudane Wang Yu ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran.

 

Waxa uuna soo gaarsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda salaan iyo farriin uu ka siday madaxweynaha dalkiisa mudane Xi Jinping.


 

Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladdaha taageerada siiya Soomaaliya, ayada oo dhowr jeerna ay labada dhinac heshiisyo kala duwan kala saxiixdeen, kuwaasi oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya.

May be an image of 2 people and text
May be an image of 2 people and the Oval Office
May be an image of 5 people and dais
May be an image of 2 people and text
May be an image of 2 people, the Oval Office, dais and text

     
Loading...