Wasiir Fiqi Oo Mooshin Xilka Lagaga Qaadayo Ka Hadlay.

Monday October 07, 2024 - 00:05:03
Hadhwanaag
"Waxaan ka mid ahay dadka aaminsan la isla xisaabtamo"

 


Wasiirka arimaha DIbadda SOomalaiya Axmed Mcalin Fiqi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mooshin ay soo jeediyeen qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka qaar.

 

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu ka warhayo in xildhibaanada qaar ay u soo jeediyeen eed la xiriirta wax qabadkiisa, "Waxaan ka mid ahay dadka aaminsan la isla xisaabtamo", ayuu yiri wasiir Fiqi.

 

Waxa uu intaa raaciyay in la kulmi doono xildhibaanada ka cowday, loona baahan yahay in la hubiyo dhab ahaanshaha eedda.

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka qaar oo horay ula hadlay BBC da ayaa waxya sheegeen in ay wasiirka ku haystaan gudasho la'aan la xirirta shaqooyinkii loo igmaday qaar.

 

Xildhibaan Jeesoow oo la hadlay BBC da ayaa sheegay in wasiirku ka gaabiyay kiiska u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.


     
Loading...