Dooda Ah Wasiiraddu Xilka Ma La Wareegi Karaan Iyagoo Aan La Ansixin

Saturday December 21, 2024 - 15:55:07
Hadhwanaag
21 Dec 2024 Qalinka Garyaqaan Muuse Yuusuf


Dooda ah wasiiraddu xilka ma la wareegi karaan iyagoo aan la Ansixin, loona dhaarin xilka.

Waxaa jira Waxyaabo aanu si toos ah u sheegin dastuurka oo loo eego fahamka qodob kale oo la mid ah, Tusaale ahaan Qodobada Muda kordhinta isku xaalad ma sheegayaan hadana hadii ay xili Doorashadi Madaxtooyadda la gali laha ay timaaddo xaaladaha keeni kara Dib u dhaca doorashada golaha Wakiilada lama odhanayo tani ma khusayso ee waa la ayiidaya,

Sidaasi oo kale Dastuurku si toos ah uma sheegin Mudada uu Wasiir ama ku xigeen ay waajib tahay in uu ku helo Ansixin, kaliya waxa uu sheegay In ugu badnaan 30 maalmood gudahood oo ka bilaabantey maalinta la Ansixiyo la dhaariyo. Sida uu dhigayo

QODOBKA 94AAD EE DASTUURKA FARQADA 3aad

3. Soddon (30) maalmood gudohood marka Golaha Wakiiladu ansixiyaan magacaabidda Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen, waxa xilka u dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyada oo uu goob joog yahay Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka, haddii uu Madaxweynuhu ka maqan yahay dalka ama uu buko.

QODOBKA 114AAD

MAGACAABISTA & XIL-KA-QAADISTA MADAXDA HAY'ADAHA

3.Masuuliyiinta Qaranka ee Dastuurku waajibiyay in la ansixiyo, si ku-meel gaadh ah xilka uma hayn karaan muddo ka badan SADDEX BILOOD

Hasayeeshee waxaa loo daililshanayaa Arintaasi

QODOBKA 90AAD ee Dastuurka

AWOODAHA MADAXWEYNAHA

Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xil­saaran yahay daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta maamulka Dawadda. Si uu u gudan karo xilalka kor ku sheegan, wuxuu Madaxweynuhu leeyahay awoodaha soo socda:­

1. Hoggaaminta siyaasadda guud ee Xukuumadda.

2. Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta Golaha Wasurada.

3. Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta madaxda sare ee Dawadda marka uu la tashado Wasiirka ku shaqada leh; isla markaana tixgeliyo Dastuurka iyo xeerarka u gaarka ah. Waxa madaxda sare ee dawladda loola jeedaa:­-

b. Hantid Guud

t. Guddoomiyaha Baanka-dhexe;

j. Gudoomiya iyo Gudida Hay'ada Shaqaalaha Dawada;

x. Xisaabiyaha Guud;

kh. Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay'adaha;

d. Taliyayaasha ciidamada iyo Ku-xigeenadooda;

r. Danjirayaasha;

s. Xeer-ilaaliyaha Guud;

Wax isweydiin Masuuliyiinta QODOBKAN ku sheegan Waxba kama duwana wasiiradu maadaama oo ay isku xaalad ka yihiin magacaabista iyo xilka qaadista

Sidookale Dhamaan magacaabista wasiiradda waxaan ku ogeyn sidan,

Dhanka kale ma jiro meel Dastuurka iyo XEERARKA dalka ay kaga taalo in mas'uul ay diideen Golaha Wakiiladu in mar labaad lagu celiyo oo caado noqotay.

Ugu danbayn ma jiro wax uu diidaaya in wasiir Ama ku xigeen innuu xilka la wareego Isagoo aan la Ansixin ama la dhaarin maadama oo ansixinta iyo dhaarinta 30 maalmood u dhaxayso

Dhanka kalena aanay ka duwanayn Masuuliyiinta ku sheegaan QODOBKA 114aad ee DASTUURKA

Markaa sharciyan way banaan tahay in wasiiro/Wasiir/kuxigeen-wasiir xilka la wareego Isagoo aan la marin Ansixin iyo dhaarinta, waxaana la dabaqaayaa QODOBKA 114aad Faqradiisa

Qalinka Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...