*Britain oo Wajahaysa Kacdoon Shacab iyo Dhibaato Dhaqaale oo qaxootigii ku gadooday.

Wednesday September 03, 2025 - 13:50:23
hadhwanaagnews
*Qaxootiga iyo Huteelada Raaxada 5 star ah la geeyay :

Sanadihii u dambeeyay, Britain waxa ay la tacaalaysay duruufo dhaqaale iyo siyaasad adag oo si toos ah u taabanaya nolol maalmeedka shacabka. Inkasta oo wadanku horey uga baxay Midowga Yurub (Brexit), xanuunkii caalamiga ahaa ee Covid-19 oo dhaqaale xomo savabay haddana caqabadaha cusub ayaa sii adkeeyay xaaladda, taas oo dhalisay cadho iyo kacdoono bulshada dhexdeeda ah.

*Qaxootiga iyo Huteelada Raaxada 5 star ah la geeyay :

Mid ka mid ah arimaha dhalisay shaki iyo cadho waa siyaasadda qaxootiga. Waxaa warbaahinta gudaha iyo dadka qaar ku tihmaamayaan in dawlada ay qaxootiga dejiso huteelo raaxo leh oo 5 star ah,
xilli dad badan oo asal ahaan dalka u dhashay ay lu daalaa dhacayaan sicir-barar, kirada guryaha oo cirka mareysa, iyo adeegii bulsho oo hoos u dhacay. Arintan waxaa loo arkaa in ay tahay caddaalad darro,
isla markaana dawlada lagu eedeeyo in ay heshiisyo dan gaar ah ku abaalmarinayso ganacsato huteelo leh, kuwaas oo dalxiiskii markii uu hoos u dhacay.

*Dhaqaalaha oo hoos u dhacay:

Markii Britain ka baxday Midowga Yurub prexit, suuqyadii ganacsi iyo xuduudihii dhaqaalaha ayaa noqday kuwo adkaaday iyi cashuurtii lagu soo rogay.

Waxaa intaas u sii dheer dagaalka Ukraine oo dawlada UK ku bixisay balaayiin gini,
taas oo abuurtey dood weyn oo ku saabsan mudnaanta kharashaadka qaranka. Dhanka kale, sicir bararku si xawli ah ayuu u kordhay:

Laydhka iyo tamarta: Qiimuhu wuxuu kordhay
50%.
Cuntada: 20% ayaa korodhay.
Gaadiidka iyo shidaalka: Qiimaha oo cirka isku shareeray.
Kirada guryaha: Dad badan ayay kiradii guryaha ku qaali faroobeen, waxaana soo kordhay guryo la’aan.
Natiijadaas awgeed, mushaharkii shaqaalaha oo aan kordhin ayaa noqday mid aan nolosha qoysaska ku filneyn.

*Adeegyadii Bulshada oo Hoos U Dhacay:

Adeegyadii bulshada ayaa sidoo kale saameyn xoogan ku dhacay. Cisbitaallada iyo adeega caafimaadka dadweynaha (NHS) ayaa wajahaya culaysyo, iyadoo dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal badan dalka uga guureen mushahar yari awgeed. Tani waxay sii kordhisay dhibaatooyinka caafimaadka,
halka dawlada isku dayeyso in ay qoysaska danyarta ah u qaybiso cunto iyo kaalmooyin kale.

*Shaqo La’aanta iyo Dhalinyarada:

Dhalinyarada ayaa noqday qaybta ugu daran ee ay dhibaatadu taabatay. Shaqo la’aantu waxay gaartay in ka badan 12%, taas oo dhalinyaro badan ku riday niyad jab iyo cadho.
Dad badan waxay dareemayaan in mustaqbalkoodu mugdi ku jiro.
Siyaasad xumada Mas’uuliyiinta Xukuumadda.

Su’aasha ugu weyn ee shacabka hortaala ayaa ah: yaa masuul ka ah dhibaatooyinkan?
Dad badan waxay farta ku fiiqayaan xukuumadda iyo go’aanada siyaasadeed ee qaldan –laga bilaabo Brexit ilaa kharashaadka dagaalka Ukraine, iyo heshiisyada huteellada. Waxaa jira dareen guud oo ah in hogaanka siyaasadeed uu noqday mid isku daba meeraysanaaya,
aan lahayn qorshe cad oo dalka ka saara xaaladaha adag.

*Xaaladu Qarax ayay ku dhawdahay:

Britain maanta waxa ay ku jirtaa xaalad lagu tilmaami karo
"qarax bulsho oo soo socda". Kacdoonada iyo mudaaharaadyada sii kordhaya waxay muujinayaan kalsooni darro xoogan xumo oo shacabka haysta xukuumada. Dad badan waxay aaminsan yihiin in siyaasad waxtar leh, qorshe dhaqaale oo dhab ah, iyo hufnaan siyaasadeed ay dalka ka badbaadin karaan in uu ku dhaco jaahwareer siyaasadeed iyo dhaqaale iyo burbur bulsho.

Dalalkii reer galbeedka waxa xukuma iminka siyaasiyiin aan lahayn garaad siyaasadeed iyo aragti siyaasadeed oo aan indheer garad siyaasadeed ahayn oo guul darooyin siyaasadeed u soo hooyay dalalkoodii iyo dadkoodii.
 
Hogaan la'aan ayaa sababay siyaasad xumada iyo dhaqaale xumada ka jirta maanta dalalka reer Galbeedka.

Qalinkii: Cali Biixi
[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...