DEG DEG Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadlay Xaalada Caafimaad Ee M/Geele.

Sunday September 29, 2024 - 17:49:00
hadhwanaag
Wasiirka Maaliyadda, Ilyaas Dawaale oo arimahan

Dowladda Jabbuuti ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xanuunka lagu sheegay Madaxweyne Geelle, kasoo qabsatay 24 saac ee la soo dhaafay warbaahinta iyo baraha bulshada, illaa heer la is waydiiyay ‘nolashiisa’.

Wasiirka maaliyadda Jabuuti, Ilyas Muse Dawaleh wuxuu bartiisa X ku baahiyay inuu Madaxweynaha wanaagsan yahay oo uu noolyahay, si wanaagsana u shaqeynayo, wuxuuna ka xanuun saday jilibka.

Wasiirka Maaliyadda, Ilyaas Dawaale oo arimahan ka hadlayay ayaa yiri "Madaxweynuhu wuu shaqaynayaa, aad buuna u wanaagsan yahay, waad necbaan kartaa hoggaamiye ilaa heer aad dhimasho ku tilmaanto qof muslim ah... haa jilibka midig waa ka xanuunsaday waa bin'adan wuuna xanuunsan karaa. Ismaaciil diidow dillaac," hadalkan wuxuu ahaa midkii u horreeyay ee ka soo baxaya sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Jabuuti tan iyo markii warkan uu soo baxay.

Maxaa sare u qaaday warkan?

Madaxweyne Geelle, sannadihii u dambeeyay wuxuu marayay baaritaanno is xig xigay oo lagu sameeyay lowga lugta midig, taa oo hadda la xiriirta xaaladda u baahatay in loo qaado dalka Faransiiska oo laakin si sannad leh uu u tago, sababo la xiriira in dhakhtarkiisa gaarka ah uu halkaa ku suganyahay.

Waxa hadda dhaliyay in la is waydiiyo xaaladda Madaxweynaha ayaa ah waa in si aan horey looga baran ay diyaarisiisa gaarka ah ka duushay garoon militari , waxayna taasi ahayd waxa u muuqday inuu wajahayo xaalad caafimaad oo loo qaatay mid culus, hadda sida ay ii sheegeen labo ila wareed oo si dhow ula socday xaaladan; wuxuu Madaxweyne Geelle ku soo laaban karaa Jabuuti caawa illaa berri , tan oo ku filan inuu ku jiro xaalad wanaagsan oo u suragelin karta inuu xafiiskiisa ku soo laabto.
     
Loading...