DEG DEG Wasiirka Arrimaha Gudaha S/land oo Kulan la Qaatay Wefti ka Soday Baarlamanka Kenya

Saturday September 21, 2024 - 12:32:57
hadhwanaagnews
Xildhibaanada ayaa Wasiirka uga mahadnaqay



Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha S/land Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la qaatay wefti Ballaadhan oo ka socdey Baarlamaanka dalka Kenya, kuwaasoo booqasho ku yimi Dalka Somaliland, kana soo qaybgalay shir ay qaban-qaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland oo ku saabsanaa horuumarinta haweenka Somaliland.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha S/land Maxamed Kaahin Axmed ayaa weftiga warbixin ka siiyey nabadgelyada guud ee Somaliland iyo horuumarka ay gaadhay Somaliland tan iyo markii ay madaxbanaanideeda kala soo noqotay dalka la isku odhan jirey Soomaaliya.

 

Xildhibaanada ayaa Wasiirka uga mahadnaqay soo dhowaynta uu u sameeyey iyo sida ay ugu faraxsan yihiin horuumarka iyo nidaamka Dowladnimo ee ka hirgalay dalkan Somaliland. Kulankan wasiirka waxaa ku wehelinayey xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Masuulin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

 

     
Loading...