Faysal Cali Waraabe oo Soo Bandhigay Qodobo Lagaga Adkaanayo Cadawga S/land

Thursday September 12, 2024 - 09:55:38
hadhwanaag
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa madaxdii dhaqanka ee munaasibada



Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Xuseen ayaa tilmaamay in wakhti xaadirkan loo baahan yahay in la mideeyo talada iyo mawqifka bulshada si looga gudbo xaaladaha kala duwan ee wakhtigan lagu jiro.

 

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale ka hadlay cadaawada ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya kaasi oo banaanka keenay cadaw badan oo Somaliland lahayd, kaasi oo huursanaa, waxaanu xusay in loo diyaar garoobo sidii la isaga celin lahaa.

 

Gudoomiyaha xisbiga Ucid oo maanta (shalay) ka qayb galay munaasibada ay beel ka mid ah beelaha Somaliland u sameeyeen Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur madaw ayaa ka hadlay in markii midnamadii bulshadu daciiftay ay cid kastaa u soo hanqal taagayso Somaliland oo ay kow ka yihiin ku Xamar jooga ee aan hal gobol maamulin.

 

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa madaxdii dhaqanka ee munaasibada soo ajiibay ugu baaqay inay nabadgelyada ka shaqeeyaan oo ay meel uga soo wada jeestaan difaacida iyo ilaalinta Qaranimada Somaliland si looga hortago cadawga dalka iyo dadkaba u soo hanqal taagaya.

 

Gudoomiyaha ayaa soo bandhiga afar qodob oo lagaga adkaanayo cadawga Somaliland, loona baahan yahay in wakhtiga la fuliyo oo madaxda iyo shacabkaba ay ku dhaqmaan, kuwaasi oo uu soo jeediyay ajandaha shir uu sheegay inay yeelanayaan sadexda xisbi Qaranka kagana arrinsanayaan sidii loo difaaci lahaa dalka, waxaan ku tilmaamay qodobadaasi difaaca Qaranka, kor-u-qaadiska nabadgelyadda, doorashada iyo MOU-ga, waxaanu xusay inay isla qaadanayaan qodobadaasi, isla markaasina ay u soo bandhigayaan dhamaan bulshada Somaliland si ay ula qaataan, waxaanu xusay inay yihiin kuwii lagaga adkaanayay cadawga Somaliland.

     
Loading...