Maxay Jabuuti u dooneysaa inay ula heshiiso Eritrea?

Saturday October 05, 2024 - 09:21:39
hadhwanaagtv
"Mas'uuliyadda askarteenna maqan waa wax ku weyn

No photo description available.


Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay kala dhaxeeyay dalka Eritrea ee ay deriska yihiin.


 

Wakiilka Joogtada ah ee Jabuuti ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in khilaafka xudduudda ee aan la xallin ee u dhexeeya labada dal lagu xallin karo wada hadal.


 

Mar uu ka hadlayey Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Maxamed Sayid Duule waxaa uu sheegay in Jabuuti ay dooneyso inay ogaato meesha ay joogaan askarteeda oo uu sheegay inay Eritrea qabatay intii lagu jiray khilaafka xudduudda ee ka dhex jira labada dal.


 

"Mas'uuliyadda askarteenna maqan waa wax ku weyn qalbiyadeenna; qoysaskoodu waxay u baahan yihiin inay ogaadaan hal arrin."


 

"Jabuuti waxay diyaar u tahay inay dib u soo celiso xiriirkeeda Eritrea. Sidoo kale, waxay diyaar u tahay inay khilaafka xalliso iyada oo loo marayo wada hadal sida waafaqsan sharciga caalamiga ah," ayuu yiri diblomaasigan.


 

Ma jirto wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxday Eritrea oo ku saabsan bayaanka Jabuuti ee muujinaya in ay dooneyso in meesha laga saaro mad-madowgii kala dhaxeeyay.


 

Xiriirka u dhexeeya labada dal ma aheyn mid caadi ah tan iyo markii uu khilaafka xudduudda uu ka dhex qarxay labada dal sanadkii 2008-dii.


 

Khilaafkan ayaa sababay dagaal milatari. Jabuuti waxay Eritrea ku eedaysay inay ku maqan yihiin qaar ka mid ah askarteeda kadib markii ay Eritrea qabatay.

 

Dhinaca Eritrea, waxaa la sheegay inaanay jirin ciidammo Jabuutiyaan ah oo xabsiga ku jira, iyadoo arrintaa ku tilmaantay dibin-daabyo ay wadaan dalalka reer galbeedka.


 

Dowladda Qadar ayaa ciidamo dhigatay xuduudda u dhaxeysa labada si ay u dejiso xaaladda.

 

Si kastaba, xiisadaha u dhexeeya dowladaha Khaliijka iyo isbahaysiga ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa saameeyey xiriirka u dhexeeya Eritrea iyo Qatar, taasoo ku qasabtay Qadar inay ciidamadeeda dib ula laabato.


 

Sanadkii 2018, hindise ay soo diyaariyeen Itoobiya iyo Sacuudiga oo lagu doonayey in la isugu soo dhaweeyo hoggaamiyeyaasha labada dal ayaa fashilmay.

 

Kulankii u dhexeeyay Madaxweyne Isayas Afewerki iyo dhiggiisa Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ee Jeddah ayaa la filayey inuu yareeyo sanado badan oo xiisad ah oo u dhexeeyay labada dal.


 

Munaasabadda ayaa ahayd dib-u-saxiixiidda heshiiska nabadda oo u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya oo ka dhacay Jeddah kadib 20 sano.

 

Kadib dhacdadan taariikhiga ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Cusmaan Saalax, ayaa booqday Jabuuti si uu ula kulmo mas’uuliyiinta Jabuuti.


 

Bishii July sanadkii 2018-ka, Jabuuti waxay ka codsatay Qaramada Midoobay inay si nabad ah u xalliso khilaafka Eritrea oo ay u gudbiso garsoor caalami ah.


 

Waqtigaa, safiirka dalka Jabuuti ee Qaramada Midoobay ayaa u qoray Xoghayaha Guud Antonio Guterres: "Waxaan rabaa inaan ku xaqiijiyo inaanu diyaar u nahay inaan aqbalno xal nabadeed oo kasta oo Golaha Amniga soo jeediyo."

     
Loading...