"Doorasho Dib u Dhacaysaa ma Jirto ee Wakhtigii loo Cayimey ayay ku Qabsoomeysa" Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka S/land

Thursday October 10, 2024 - 16:32:40
hadhwanaagtv
Komishanka Doorashooyinka qaranka ayaa digniin culus u diray



Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland, Mudane Muuse Xasan Yuusuf, ayaa sheegay in aanay jirin doorasho danbe oo dib u dhacaysa, waxaaanu caddeeyay in wakhtigii loo cayimey ee 13-ka November ay ku qabsoomeyso, waxaanu bulshada farey in dadka laga daayo wararka been abuurka ah ee la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.

 

Sidoo kale Kommishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhaariyey guddida anshaxa, xalinta khilaafaadka iyo kormeerka doorashooyinka .

 

Komishanka Doorashooyinka qaranka ayaa digniin culus u diray Xisbiyada Kulmiye, Wadani iyo sidoo kale ururka Kaah, waxanay komishanku ku eedeeyeen in ay gobollada dalka ka bilaabeen olole aan xiligiisi lagaadhin isla markaana waxay fareen in ay sugaan xilliga ololaha Xisbiyada iyo ururadu bilaabmi doono.

 

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka mudane Muuse Xasan Yuusuf, isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi.” Waxa kale oon bulshada Somaliland u cadaynaynaa horena aanu u sheegnay warar been abuur ah oo laleeyahay, doorashadii ayaa dib loo dhigay waxan leenahay wax doorasha ah oo dib u dhacday majirto wakhtigeedii oo ku astaysan 13 November 2024 ayay ku qabsoomeysa.

 

Laga bilaabo shalay guddidaasi hawshoodii way bilaabanayaan sida uu xeerku dhigayo, waanan ku faraxsanahay, hadaan kommishànka nahayna waanu ku taageeraynaa..”

 

Gudoomiyaha guddidaAnshaxa Maxamed Xasan Maxamuud oo dhaarta ka dib halkaa hadal ka jeediyey ayaa digniin u diray qaar ka mid ah Xisbiyada Qaranka iyo Ururada Siyaasada, kuwaasoo bilaabay olole aan sharcigu ogolayn . Isla markaana dardaaran siiyey xublaha la dhaarinayey isagoo faray in aanay dhayalsan dhaarta la dhaariyey oo ay noqdaan qaar ku dhaqma maadaama diinteena islaamku ay meel adag ka istaagtay dhaarta iyo sidoo kale in aan lafududaysan.

 

Gaba-gabadiikomishanka Dorashoyinka ayaa fariin u diray ururada, xisbiyada iyo shacabka reer Somaliland waxaney fareen in ay iska ilaaliyaan kana fogaadaan waxkasta oo waxyeelaynaya nabadgelyadda qaranka, anshaxa islaamka sidoo kalena ka fogaadaan wax yaabaha ka hor imanaya xeerka Doorashooyinka Qaranka Somaliland. Waxay sigaara ula hadleen axsaabta siyaasada qaranka sidoo kalena uga digeen.

     
Loading...