Falaadhi Gilgilasho Kaagama Godo ( Abdi-Shotaly).

Sunday September 22, 2024 - 11:52:55
hadhwanaagtv
* N.B Nin Wanaag Ku Waaraba, Mar Baa Waayir Xidha-yaaye!


Ugu hoteyn waxan askarta " Xaafad-Tooyadda leeyahay "Xaalku Wuu Dhaafay Halkay Maskax-Diinu Joogto" ee ka hor baydha ummadu way tashataye" Gabay baa waxa ku jirey erey, aad u qaali ah, oo ay ka mid yihiin " Waa duni ninkii aad ahaa, doqon ku dhaamaaye, waa duni wadaadkii admay, loo dagaal tegaye" Hadaba haddii aan kuu yara sharaxo micnaha ku jira, labadda bayd ee sare ku qoran, waxa toos ku hor imanaaya oon biyo is marin, kuuna sheegaaya, waxa uu ka dhuraayo askariga " Xaafad-Tooyadda" ka dhex baf-baf lihi, bal waa tane adigu, akhristaw maaha iska dheh, waxa la yidhi " Falaadhi Gilgilasho Kaagama Godo'e" Ciidankii uu jebiyey iyo dalka dhan ee maskax xumidiisa ku maqan, aqoon la'aan-tiisa, uu tallo-ba canaad ka yaqaano iyo ku jiqsii, loo joojin-maayo, dalka ku go'ay iyo xasuuqa, bara-kaca uu sameey iyo ciidanka uu sidaas ku jebiyey, buu ku canaananayaa waali-diisa:-


 

Maah-Maah baa,ahay " Nin wanaag ku waaraba, mar baa waayir xidha-yaaye"Arintani waa Xikmaddii Rabbi haw naxariistee ninkii Reer Burco ee la odhan jirey ROORAAYE ee ahayd " WAX-BA YAHAY" bal in aanu hala ahayn akhri wuxuu ku andacoo-naayo askarigu ee uu dad la hor yimi waxaasi:-

 

(1) Waddani iyo Cabdirazaaq khaliif, baa qaranka khiyaameeyey, saw wax lala yaabo maaha.

(2) Wuxu askarigu ka shubaayey Bander-Wanaag isagoo isku diraayey ISAXAAQ Iyo GARXAJISKA kale ee deegaanka u ah ( Maroodi-Jeex iyo deegaamadda hoos yimaadda) waa arin cadaan ah oo aan qof-na ka qarsoonayn.

(3) Isaga oo sidiisii hadal is yidhi, ilayn haduu af-kaba jala qaado, waxa oodaa rogan iyo qardo-jeexe, buu wixiisii la sare kacay oo is leh dagaal geli " Isaxaaq " Baa waxa uu ku hantaatacay " Hargeysa idinkaa u deegaan ah, oo Nabadeedda idinkaa ka wakiil ah, oo xil gaar ahi idinka saaran yahay.( Waa run waa u deegaan shaki kama taagna), laakiin-se ereya-daas waxa uu uga jeedaa waxa weeye, in uu isku dhufto " Gatxajis" isaga oo si leh kala xad, laakiin-se dee maskaxddii aynu naqaanay weeye iyo kii aynu ogayn wuxu yahay, " Ma oga in " ISAXAAQ" uu hal daba go'an Waddani isugu biyo shubtay oo aanay Metelin ka LIBAAXA SAARAY ee ina Murjin-Madoobe Shaydaan-Habaar, Ina Cabdi Dheere. Markaas askarigu waa " Habar Dhili-wayday alleelo ku waalatay"

 

Askariggii " Raggii ma adigaa ka hadhay" Waxa Bander-Wanaag ku soo abaaniyey " Digsi-Xagato " Waa qanjidh ku nooshii askariga daba xaabi jirtaye, sidda shaydaan-habaar, ina Cabdi Dheere, kuwaas oo uu hor boodaayo Coomaadaha timaha cad ee loo yaqaano " Ina Murjin Madoobe" oo weli-giiba caan ku ahaa qof uu kaba-qaad u noqdo, ilaa Af-weyne, Cigaal, Riyaale, Siilaanyo iyo waxan imika meesha joogana ( Waa askariga'e) uu kaba sii daray, oo hadda dharka u maydha. Waxan ku soo xidhay maqaalkan " Runta u kaalaye" Garxajis wuu ka korey kala xad, ee haku habsaa

Ina askartaay.

* N.B Nin Wanaag Ku Waaraba, Mar Baa Waayir Xidha-yaaye!

Qore:- Abdi-Shotaly.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...