Madaxweynaha oo Bulshada Boon iyo Xariirad ku Ammaanay Doorka ay ku Leeyihiin Nabada iyo Qarandhiska

Wednesday September 04, 2024 - 14:23:43
hadhwanaagnews
Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi




Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa bulshada ku dhaqan degmada Boon iyo Xariirad ku ammaanay doorka shariifka ah ee ay ka qaateen Qaran-dhiska, ilaalinta nabad-gelyada iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee iskaa wax u qabso.

 

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse biixi Cabdi oo la hadlayay bulshada deegaanada Boon iyo Xariirad oo si ballaadhan u soo dhaweeyay isaga iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa sidoo kale sheegay in ujeedada socdaalkoodu ay salka ku hayo xog ogaal u noqoshada xaaladda dad iyo duunyo iyo ku wacyigelinta bulshada sidii ay ugu codeyn lahaayeen xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

 

Dhanka kale, madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo fagaare kula hadlay bulshada reer Boon ayaa sheegay inay muujiyeen dal jacayl, Qaranimo iyo waddaniyad, waxaanu xusay in madaxweynuhu dadka u dhaxeeyo, isla markaana uu waajibkiisu yahay eegista iyo ka wardoonista xaalad kasta oo jirta.

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Bulshada Boon waxa aanu uga mahad-naqayna qaybta aad ka qaadateen Qaran-dhiska Somaliland, inaad tihiin bulshada nabada ilaalisa, inaad sameyseen mashaariic iskaa wax u qabso ah, intaasiba waa inta Somaliland idiin taqaano.

 

Wefti ahaan sida aad noo soo dhaweyseen ayaanu idiinka mahad-celinaynaa, waxaanu rajeynaynaa in kaalintii aad Qaranka kaga jirteen aad kaga jirtaan, nabada, Qaran-dhiska, wax wada lahaanshaha iyo is dhexgalka.

 

Ujeedada socdaalkaygu waa laba qodob, midi waa dowladdu wixii ay qabatay, wixii dhalliilo ahna waanu qaadaneynaa, waanu toosineynaa, wixii la qabtayna ku faanimeyno ee waajib na saaran ayuu ahaa.

 

Fooshii ololaha doorashaduna wayna eryaysaa, waxaanu dooneynaa in aad codka noogu deeqdaan, horena waanu idiinka mahadnaqaynaa sida aad noo doorateen.”

 

Dhanka kale madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo fagaare kula hadlay bulshada reer Xariirad ayaa sheegay inay muujiyeen dal jacayl, Qaranimo, waxaanu xusay in madaxweynuhu dadka u dhaxeeyo isla markaana uu waajibkiisu yahay eegista iyo ka wardoonista xaaladkasta oo jirta.

 

Waxaanu yidhi "Waxaad muujiseen dal jacayl iyo Qaranimo, madaxweynuhu dadka ayuu u dhaxeeya waxaanu eegayaa meel kasta xaalada ka jirta, wixii la qabtay, waxaan qabsoomin iyo wixii taagan in laga wada hadlo, odayaasha iyo haweenkaba wixii aanu ka gaadhno ayaanu kala shireynaa.

 

Doorashadii 70 cisho ayaa ka hadhay xisbi waliba wuu dadaalayaa dadkana cod buu weydiisanayaa, codkiina Saajinba yidhi anaa wada haystee, cidii aan Saajin wax siinow aniga wax isii.”

     
Loading...