Madaxweynaha oo Xadhigga ka Jaray Mashaariic Xukuumadu Ka Hir-gelisay Ceerigaabo

Saturday August 24, 2024 - 08:38:13
hadhwanaagnews
Sidoo kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kormeeray ...


Weftiga Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaaladda Ceerigaabo ayaa kulamo kala duwan la qaatay cuqaasha, waxgaradka iyo madaxda dhaqanka gobolka Sanaag kuwaasi oo ay madaxwaynaha ka wada hadleen arrimaha nabadgelyada gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa, sidoo kale waxa intii kulankan socda lagu soo qaaday horumarka iyo waxqabadka ay xukuumaddu ka hirgalisay Ceeriaabo iyo guud ahaan gobolkaba, waxaanay waxgaradka Sanaag uga mahadceliyeen madaxwaynaha iyo xukuumadiisa.


 

Dhinaca kale Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biiixi Cabdi ayaa kulan la qaatay Haween waynaha magaalada Ceerigaabo, halkaasi oo uu madaxwaynuhu uga mahadceliyay Haweenka Sanaag sidii wanaagsanayd ee ay uga qayb qaateen soo dhawaynta madaxwaynaha iyo weftigiisa.


 

Dhankooda Haweenka Ceerigaabo ayaa madaxwaynaha ku ammaanay waxqabadka uu ka hirgaliyay Ceergaabo kaasi oo ay xuiseen in bulshada gobolku ay ku diirsadeen una riyaaqeen.


 

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kormeer iyo xadhig-ka-jaris ku sameeyey mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay gudaha magaalada Ceerigaabo.


 

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan duga degmada Ceerigaabo, guddoomiyaha gobolka Sanaag, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa xadhigga ka jaray waddo laga hirgeliyey gudaha magaalada, isaga oo sida oo kale kormeer ku sameeyey waddo dhererkeedu yahay 16KM oo dhismaheedu socdo, taas oo isku xidhaysa Ceerigaabo iyo Karin Daallo.


 

Sidoo kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kormeeray xarunta dawlada Hoose ee degmada Ceerigaabo oo laga wado dhismeyaal cusub iyo dib u casriyeyn.


 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidoo kale kormeer ku tegay ceel-biyood weyn oo laga hirgeliyey koonaha magaalada, kaas oo loogu talo galay in lagu xoojiyo biyaha magaaladu cabto, waxana warbixin ka siiyey wasiirka horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore iyo duqa degmada Ceerigaabo, Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur.


 

Ugu dambayntii, madaxweynaha qaranku waxa uu kormeer kooban ku tegay xarunta taliska ciidanka qaranka ee Ceerigaabo, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taliska xarunta oo halkaas ku sugnaa.

     
Loading...