Is-Karbaashtoo Kuftay Beentii Askari ( Abdi-Shotaly).

Monday September 09, 2024 - 08:01:15
Hadhwanaagtv
* N.B Kub Miyaan Ka Jabay, Biixi Aan Kabayo loo haynin!

Waxay akhristaw tahay marxaladda ay ku jiraan maanta askarta Guriggii Moorgan ka botorisaa, oo si wacan u sharaxaaya, oo inoo tilmaamaaya in ay ka dhabaqsan tahay, meel cuskadaana la'yihiin, Rabbi haw naxariisto'e gabayggii Raage Ugaas ee ahaa " Sidda koorta yucub oo la sudhay, koromo buubaal ah, ama geel kareeboo nirgaha, laga kaxsy-naayo, shining kaaluf galay iyo siddii koronkoroo oomay, ama ceel karkaaradda jenshay, kob abaara oo dhexe miyaa, koore ila meeray, kub miyaan ka jabay, biixi aan kabayo loo haynin, kamabal-kiyo ardaaggii miyaa laygu keliyeey ( ilaa waa laga dareeraye), kumbuskii miyaa layga qubay kolayo ii buuxay, maantana kataantii miyaa layga kala tiiray. Hadaan intaa ku soo koobo gabayga, waxan uga jeedaa waxa weeye, hadal ku dhan yahay micnaha ku duugan tixdan, oo ah in uu askarigu cidla walhanaayo, wax uu ka sameyn karaa ama uu ka qaban karaana aanay jirin, ee ay u dhamaatay, taagan yahay rajo la'aan, isaga iyo bahalo loo kala tegay, balse uu weli is leeyahay wax baad khaldi kartaa.

Inta badan talo xumaantu wax laga yaabaa in ay mudo kooban ku shaqayso, oo ay ku hor roorto si ay jar kaaga rido, laakiinse qofka maan-gaabka ahi, cuqdadda qabaa, ee u dhadhay naxli abuur waa sidda Askarta " Xaafad-tooyadda" ka simbiro-waaqlaysee, wuxu is yadhaa waad ku guulaystay wixii uu walaaqa-naayey, dabeedd wuxu qof-kaasi isu qaataa ruux aan la loodin karin, lagamana dhaadhicin karo khaladka uu samaynaayo, waxana is moodaa keliggii sax yahay, qaar sii daba xaabaana, oo dan-toodda ku wataana ( Sidda Digsi-Xagato), way sii weyney'yaan, oo sii buun-buuniyaan, markaas bay ka dhigaan wax aanu ahayn, ka bacdi wuxu isu qaataa ilaah yare, oo aan isugu keliggii dax ah, ilayn maskaxdda ku jirtaa halkaa ma gaadhsii-sana'e, mana garan karo cidhabta ka dambaysa, aqoon la'aanta haysa awgeed ma sheego in uu sax iyo khalad mid-kood yahay balse hoose ila akhri.


Askariggii " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo-Shaaximani " haday beentii la Kuftay, oo weliba ay iyaku gacan-toodda isku karbaasha-yaan, waxay been iyi islu dir ummadeed ku caano maalaan-ba haday dan u run sheegtay, oo ay xaajaddii wateen ugu sii daratay, wax ay ummadda u sheegaan garan la'yihiin, waxay ka qabsatay wax ay ugu yeedhaan " Difaac Qaran" waxa nasiib darro ah, miyaanay ahayn kuwii 3 saacadood guda-hood SSC oo ah ( Ciidan Beeleed) ay dul martay, ka dhigeen wax la dilay, wax loo gaxaystay maxbuusnimo maca madax-dooddii iyo dhaawac iyo naafo noqotay. Hadeer ma jiro wax ciidan ahi, ciyaalka 3 bilood Itoobia lagu soo baray " Ob-Jac" Sii shaqaddii qaranka maamulkii af-weyne, uu xalane nagu siin jirey oo kale, uu askarigu hadda beel-beel u qaybiyey, maxay difaaci karan, saacad lagu jiri-maayee, markuu wax uu meel keeno waayey, wuxu yidhi beel waliba ciidan madani ah ha keensato, markaasuu ilayn waa maskaxddii aynu naqaanaye, kolba wax aan loo fadhiyin iyo meel aan loo jeedin isku qaadayaa, wuxuu moodayaa in uu Masar been iyo huuhaa khiyaali ah wax kaga samayn karo, bal isaggii baa qaawane muxuu yahay miyuu ku dhuusi doonaa.

* N.B Kub Miyaan Ka Jabay, Biixi Aan Kabayo loo haynin!

Qore:- Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...