Maskax Madhan Iyo Nin Waalan Ka Wax U Dirtaa Ka Daran ( Abdi-Shotaly).

Wednesday September 04, 2024 - 12:04:41
Hadhwanaagtv
* N.B Naf Go'day Xisaab Uun Baa U Hadhay Sidda Maamulka Askarta..

Ummad-yahay waxan ka socdda dalka, ee ay wadaan maamulka " Xaafad-tooyadu " Taas oo ay hor boodayaan 2-da Askari ee " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo-Shaaximani" Ilayn Digsi-xagato iyo Jin-Dagaagay wax ma waydii-yaane. Odhaah baa ahayd " Maskax madhan iyo nin waalan ka wax u dirtaa ka daran" hadaba askartan oo aan weligood awr ay dhaamiyeen lagu guurin, dab iyo balaayo ay huriyaan, kala qodob, isku dir iyo wax la kala irdheeyo mooyaane, iyakoo uu Eebbe-ba ka qadiyey aqoon ay ku kala gartaan wanaaga iyo xumaanta, sideeda-bana ay u sii dheer tahay cuqdad beeleed iyo bes taagan oo meela aan u soo marin maamul, sharci diineed iyo mid maadi toona, iyadoo naxli aan daawo lahayni iyo doqonimo ay weheliyaan basar xumo joogto ahi,intii ay noolaayeena aanu Rabbi-ba ugu tallo gelin in ay kob cagaar leh ka soo durduri-yaan, ee xaal-koodu yahay in qas iyo qalaan-qal abuur uun dhigaan ilaa yoomal-diin. Aan tusaale idinka siiyo'e ku soo dhawaadda waa tane:-

Aan horta idiin horey-siiyo'e, ee muwaadin murti baa ahayd " Markaan is idhaaho wax taransaba, saw tii Alle meel ma sii taal" Ummadani rajaddii ay qabeen markii dalka dib loogu soo noqday, waxa boodh, habaas iyo duufano colaadeed ku kiciyey, kuna noqday aboor aan wax cun mooyee wax kale garanayn ( waa sidda 2-da askariye) oo isla markii lagu dhawaaqay Magac S/Land bilaabay burbur-keed kuwa sare ku magacaaban.
(a) Askartani wax kaste oo ay isku dayaan kolkay u socon waayeen, waxay iska hor-keenaan ummadda.
(b) Tiina markay u mari-waday waxay dagaal toos ah ku qaadaan, goboladdii uu mucaaridku kaga badnaa, si aanay doorasho uga dhicin sidda Sool, taasina waxay dhashay, in Reer Sool iyo Sanaag Bari ay ka faraxa-shaan S/Land, oo maanta fara madhan aynu ka joogno, taasoo maamulkii askarta hadh cad toos looga dhaqaajiyey, wax ay ka samayn karaana aanay jirin haba-yaraatee.

(c) Markii Sool loogu awood sheegtay, baa ilayn waa kuwii aynu naqaanaye, waxay mar kale ku fekereen oy maskax-dooddii xumayd siisay, in ay Sanaag oo gebi-haanba 100% Mucaarid ah ay isku diraan, tiina afkay ciidda dareen Reer Maakhir, oo wadhi baa ka raacday aanay ka soo waaqsan abid, Reer Sanaag oo isu dhan, baa af-buuxa ku yidhi askar-yahay " Waxa aad wadaan halkan ka shaqayn mayso" ee meel kale la taga.
(d) akhristaw tiina markay u geli wayday, waxa uu mar 3aad isku qaaday Awdal, oo iyana 100% Mucaarid ah, isagoo is leh dagaal ka rid, si aad u tidhaaho sanaaduuq-dda doorashadda yaan la geyn, isagoo raba in uu ku raad gato nabadi kama jirto, si uu u sii walaaqo, isla shalay ( Isniintii), isago jooga Awdal waa ka amar ku bixiyey in la soo xidho Xil. Maxamed Abiib oo Baki laga soo doortay, si uu hawdda ugu sii shareero Nabadda. Tiina waxa soo af-jaray Golaha Baarlamaanka saaka oo ay salaasa tahay, taariikh-duna 3/09/2024. Ugu dambayn maamulka Qudhmiye ee " Xaafad-Tooyadda" Waxa ku Jirta naf meel ay ka baxdo wayday, ee daaya kolba derbi ha ka soo go'dee. Wax u hadhay ma jiraane, kuwani bilaa Faataxa bay la god gelayaane.

* N.B Naf Go'day Xisaab Uun Baa U Hadhay Sidda Maamulka Askarta.

Qore:- Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...