Askari u dhashay Scotland oo lagu magacaabi jiray Donnie MacRae ayaa isagoo maxabuus dagaal ah ku dhintay dalka Jarmalka intii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka. Ku dhawaad 80 sano kaddib ayey qoyskiisu ogaadeen in la aasay isagoon laheyn maskax.
Donnie wuxuu ku geeriyooday isbitaalka PoW sanadkii 1941-kii, sababta geeridiisa waxaa lagu sheegay dhibaato dhinaca neerfaha ah markii jirkiisa la baarayay.
Markii la baarayay meydkiisa, waxaa laga laga saaray qeyb ka mid ah maskaxda iyo laf-dhabarka, si cilmibaaris loogu sameeyay, waxaana loo diray machadka Kaiser Wilhelm ee magaalada Munich.
Meydkiisa waxaa aasay Jarmalka balse mar dambe waxaa dib u duugay ciidamadii Isbahaysiga ee ka koobnaa Britian, Mareykanka, Soviet-ka iyo Shiinaha, waxaana lagu aasay qabuuraha dagaalka ee dalalka barwaaqa-sooranka ee Berlin. Cidna ma ogeyn xiligaas in Donnie ay ka maqneyd maskaxda.
160 cad oo ka kooban qeybaha maskaxda Donnie iyo laf-dhabarka ayaa lagu keydiyay xarunta cilmibaarista Munich. Xaruntaas ayaa markii dambe loo bixiyay Max Planck.
Taariikhda Donnie
Donnie MacRae waxa uu ku soo koray Gairloch, waa magaalo ku taal xeebta galbeed ee Scotland. Sanadkii 1939-kii inta uusan dagaalka bilaaban ayuu Donnie ku biiray ciidamada keydka, kaddibna waa loo yeeray si uu uga qeybgalo dagaalka.
Wuxuu ahaa gaashaanle ka tirsanaa ciidamada lugta Scotland ee Seaforth Highlanders. Isagoo ka dagaallamaya St Valery, Faransiiska bishii June sanadkii 1940-kii ayaa la qabtay, wuxuuna noqday maxabuus dagaal. Sanadkii ku xigay isagoo 33 jir ah ayuu isbitaalka ku geeriyooday.
Inkastoo qoyskiisa la socdeen qabashada iyo caafimaadka Donnie balse marna looma sheegin baarista lagu sameeyay meydkiisa ama in baaris ahaan looga saaray maskaxdiisa.
Prof. Paul Weindling oo ka tirsan jaamacada Oxford Brookes ayaa sanadkii 2020-kii la soo xiriiray xubno ka mid ah qoyska Donnie sida ina adeertii Libby MacRae, wuxuuna ogaaday wixii ku dhacay Donnie kaddib geeridiisa.
Prof. Weindling wuxuu qeyb ka ahaa koox baarayaal caalami ah oo darsayay kumanyaal baarisyo maskaxeed, kuwaas oo lagu keydiyay xarunta Max Planck ee Jarmalka. Ujeedka mashruuca ayaa ahaa in la aqoonsado dhammaan dhibanayaasha si loo xusuusto.
Markii la xirayay waxaa laga toogtay jilibka bidix iyo dhabarka. Inkastoo uu ka bogsaday dhawacaas hadana isbitaalka ayuu dib ugu soo laabtay kaddib markii xaaladiisa ay sii xumaatay bilihii ku xigay soo kabsashadiisa.
Xaaladiisa Caafimaad
Xanuunkiisa wuxuu ka soo bilowday araga. Marka uu fiiyo fartiisa waxay la noqoneysay sida wax gariiraya, waxaana ku adkeyd in uu hadlo. Xanuunkaas ayaa ugu dambeyn horseeday in uu naafo ka noqdo labada gacamood iyo in uu hadalka awoodi waayay.
Dhowr maalmood ka hor geeridiisa, maba uusan hadleynin. Donnie wuxuu geeriyooday bishii Maarso lixdeedi sanadkii 1941-kii. Wuxuu u dhintay xanuunka lagu magacaabo Landry kaas oo ka yimaada habka difaaca jirka oo weerara nidaamka neerfaha kaddibna qofka uu naafo sidaa ku noqdo.
Jarmalka waxay doonayaan in ay hormuud ka noqdaan cilmibaarista la xiriirta caafimaadka, taasna waa sababta keentay in maskaxda Donnie loo diro machadka Munich.
Meydkiisa ayaa baaris lagu sameeyay waxaana laga saaray maskaxd. Qeybo ka mid ah maskaxda Donnie iyo laf-dhabarkiisa ayaa loo adeegsaday in lagu sameeyo climibaaris si loo helo xanuunka uu u geeriyooday.
Prof. Weindling iyo kooxdiisa waxay heleen diwaanka afar askari oo Biritan ka soo jeeda oo ahaa maxabiis dagaal, kuwaas oo maskaxda laga bixiyay si cilmibaaris loogu sameeyo sanadkii 1941-kii. Afarta askari ayaa kala ahaa Patrick O'Connell, Donald McPhail, Joseph Elston iyo William Lancaster.
Askartaas ayaa ka mid ahaa 2,000 oo maskaxda laga bixiyay loona qaaday machadyo ku yaal Berlin iyo Munich dagaalkii labaad ee adduun ka si baaris loogu sameeyo. Dadka maskaxdooda cilmibaaris ahaan loo qaaday waxaa ku jira carruur lagu laayay xasuuqii Yahuuda ee Holocaust.
Dhibanayaasha waxaa ku jira Yahuud ka soo jeeday Poland, masiixiyiin, dad ka xanuunsanaa maskaxda, maxaabiis siyaasadeed, falaago Belgium u dhalatay iyo ciidamo isugu jiray Faransiis iyo Poland.
Dr Hildebrandt waxa uu sheegay in natiijada cilmibaarista machadyada Jarmalka ay aheyd mid weyn iyadoo cilmibaarayaasha adduunka ay aad u doonayeen in helaan mid la mid ah guusha Jarmalku gaareen.
Dagaalka kaddib, ciidamadii Isbahaysiga waxay baareen dambiyada Naaziga iyagoo furay maxkamadii Nuremberg halkaas oo ku dhawaad 2000 oo qof lagu helay dambiyo dagaal.
Si kasta ha ahaatee, machadka cilmibaarista Kaiser Wilhelm iyo kuwa kale waxaa loo fasaxay in ay shaqadooda sii wataan. Xaqiiqda jirtay markaas ayaa sidaas aheyd balse hadda waa wax anshaxa ka baxsan in maskax bani'aadan la qaado iyadoon ogolasho la haysan inkartoo balse xiligaas ay aheyd wax caadi loogu dhaqmo.
Donnie MacRae masaxdiisa waxaa loo qaatay cilmibaaris ilaa iyo 2015-kii markii la keydiyay.
Dhawaan ayey gudiga qabuuraha dagaalka ee barwaaqa-sooranka ogolaadeen in qeybaha maskaxda iyo laf-dhabarka Donnie dib u aasaan oo ku daraan haraaga meydkiisa hore loogu aasay qabuuraha Berlin.
BBC/SOMALI