Is-Bahaysigu Waa Rajadda Dib U Soo Noolaynta S/Land ( Abdi-Shotaly).

Thursday August 22, 2024 - 07:57:21
hadhwanaag
* N.B Caqli Laysma Amaahiyee, Cakaf Iyo Ciidan Baa La Is-Amaahiyaa!

Horey Somalidu ugu maah-maahday qofkii ilaahay wax la doonaayo " Dameeri-hiisa baa waylo u dhala" waa dhab oo S/land waxa burbur qarqarka u saarey maamulka askarta bilaa maskaxda ah, waxa dib u soo celinsyaana waa Is- Nahaysiga. Waxa badh iilka ku riday ( Waa Sool,Sanaag bariye), oo ciidda ku rogay waa maskax xumidda " Raggii ma adigaa ka hadhay" iyo inta sii daba xaabta ee cad quudheedka ku nool, sidda Geenyo-shaaximan, Bakhti-dhega-Weyn, Jano-ka-Bood, Koorsysane, Gafane-fuurey ( Buuni). Awdal iyo Salal baa iyana dhimana noolayn, oo geeri iyo nolol u dhexeeya, intooddii badnaydne aanay "Xaafad-tooyadu" faro ku haynin, hadaan laga soo gaadhina, bay iyana sidda Hartiga xadhiga goosan doona dhawaan, beeshii dhexe ( Waa isaaqe iyakuna xabaashii dul taala gaajo, macaluul awgeed, weliba ay u sii dheer tahay isku dir ah, in foodda la isu geliyo si ay cimri dherer uga sii dhigtaan dagaal baa socdee doorashadda dib ha loo rido.

Sidaas oo xaalku yahay, iyaba waa " Wager iyo ka waa weyne" waxay maah-maahi ahayd " Caqli Laysma Amaahiyee, Calaf iyo Ciidan Baa La Is Amaahiyaa" masjax laawaha waxaad ka maqlay-seen, in Askari weli-ba kaadh dagaal iyo beello iska hor-keen uu ilaa imika sii xoqaayo. Wuxu ka yidhi burco:-
 
(a) Reer Burco hadaad tihiin " Inta doorasho danaynaysa iyo inta dagaal doonay-saay wax ku soo heshiiya" Wuxu rabaa oo uu bay-baysanayaa in Arintii ay Beesha H.Jecllo dalka ku badbaadisay, ee ummadu meel ay joogto-ba ku diirsatay uu cirka ku laallo, si uu u yidhaaho dagaal baa socdda oo doorasho ma jirto, ilayn wuu arkaa in laga dhaqaaqaye.
 
(b) Markuu Oog kala hadlaayey ciidankuu isagu jebiyey-na, raali-gelina kama bixin, hubkii laga qabsaday kama hadlin, maxaabiista SSC Khaatimo hayso sooma gadal qaadin, mana uu soo eegin nafaadda iyo dhaawaca jooga OOG, iska daa in mid qudha ka arko waalidkii ubad-kooddii la laayey,Ama maxaabiista loo haysto'e.

(c) Akhristaw iyadda oo aan la soo koobi karin wuxuu safar-kaas kaga badhaaciyey galkuu tago-ba, ee uu la hor tegay ummaddii bal sugaysay wuxuu ula yimaado, buu weliba isaga oo faan ka dhiganaaya weli waan carari karaa, buu orod taag-waa is yidhi, sidaas baa lagugu dooranayaa maskaxdda waxaas ku jirta, ilayn waa kaynu ogayn caqliga ku jira'e, horaase loo yidhi " Nin waliba caqligiisa buu kor Tagaaye" Waa kaas kii hore idiin kaday, oo misana raba in aad ugu celisaan mar kale, ee ma idinka suurawdaa? Idinkay idiin taalaa waxaad ugu jawaabay-saan.

Muwaadin, Rajadda keliya dalkani leeyahay, ee aad ku badbaadin kartaa, waa adoo ku biira Is-Bahaydiga oo mara dariiqaa ay inoo jerxeen, haddii kale qof kastaa ha qoto xabaashiisa, isagoo noola ha is aaso, waayo soo noqoshadda askartu waa geeridda dadka iyo dalka S/Land. Waxan ku soo xidhay, maanta waxa aad kaga soo raysanay-saan wax kaste oo idin ka soo gaadhay masmulka gabal-kiisu dhacay ee 2da Askari, waa idinkoo ku xidhma Is-Bahaysiga. Oo ka baydha kuwaas ku shaqeeya maah-maahddii ahayd " Haddii aanan Qolo ku foognayn, ama dhiig faraha darin, waanaan fadhiyi karin" iyaka weeye kuwa ilaa maalintii dalka la soo galay qas, dhibaato, dagaal iyo rebshed mooyee aan wax kale ku foognayn haba-ysraatee. Muwaadin wakhti kuuma hadhin ee ka fiirso ayaanaha hadhay geeri iyo nolol ka aad doonayso.


* N.B Caqli Laysma Amaahiyee, Cakaf Iyo Ciidan Baa La Is-Amaahiyaa!

Qore:- Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...