Askariggii Oo Ceeb-Tiisii Ka Hadlaaya ( Abdi-Shotaly).

Tuesday September 10, 2024 - 13:31:17
hadhwanaagtv
* N.B Anays Baday Uurku-Taaladda, Ee Halkaan Tallo Ka Raadshaa?

Waxan is yeel-yeelo-ba oo aan been, madax muuqdda iyo mijo qarsoon ahaado-ba, weliba aan kaga dhex muquurto runta ila meerayso,oo war-wareeg ummadda aan ku daaliyo-ba, waxa soo gaba-gaboobay wixii aan shicibka iyo wax ma garatadda ku maaweelin jirey, ee kolba meesha layga rabo in aan ka hadlo mooyee meel kale afka u saara-ba, majro habaabin iyo kiis iska waal wax aan ku mashquuliya-ba, marka laygu hayo denbi waxan iska indho tiro oo aan dhegaha ka furaysto-ba, marba aan derbi isku qaado-ba, khiyaali iyo waxan aan sal iyo raad lahayn ku mudo dheeraysto-ba, oo talo wax canaad uun iga noqoto-ba, cuqdad iyo naxli kala dhex dhig, oo yaan laguu heshiin aan isla lahaa-ba, kala xad oo u kala sheekee wakhti ku lumiyo-ba, hantidda ummadda aan ku kala iibsado, oo aan eex iyo kala jeclaysi hadaba koox ku maalaba, kuwo mushar-koodda ii hoos fadhiya,aan mid kasta ku idhaaho, soo kala jebiya beeli-hiina, oo iyana kolba 4 cumaada hunguri sitaa wax igaga cunaan dhawr qof oo ay ii keenaan-ba, tallo diid ahaado, xasuuq aan ku kaco badheedh ah, dil,ka bacdina aan is lahaa ha kaa baqo dadku aan wado-ba, SSC oo iyana wixii ciidan aan hayey wax dhintay, wax xidhan, wax dhaawac ah iyo naafo ka dhigtay, taas oo aanan maanta af madhan iyo hanjabaad mooyee aanan waxba isla hayn i markisiisay, al-aakhir waxaas sare aan ku soo taxay iyo qaar kale-ba ii shaqayn waaye.

Waxa hadda aan meel aan ka maro la'ahay, oo weli aanan jawaab u hayn su'aalaha la i weydiinaayo ee ah:-

(1) Mee cidankii 33 sano la soo dhisaayey?
(2) Maxaa ku dhacay ee burburka ugu wacan?
(3) Yaa Burburiyey ee loo raacaa?
(4) Waa maxay sababaha keenay in laga soo baxo Sool?
(5) khasaare intee le'eg cidi maloo haya ama mase ka hadashay weli?
(6) Yaa ka mansuul ah oo dhigay waxaas?
(7) Ma la hayaa saanaddii ciidanku halkay ku dambaysay?
(8) Dagaalka aad Bari ka wado, ciidan uma hayside, ma beela-haad isku diraysaa?
(9) Difaaca qaran ma doorashadda baad ku hor joog-sanaysaa?
(10) Itoobiya ku ictiraafi mayso'e, ma been uun baad la soo taagnaan?

Fartii aan qaadaa-ba waa mid ii daran, oo isii rogta, kuwa aan ka soo xushay beeluhu qaar wax ii taraya maaha, su'aal ima waydiin karaan, tallo ma laha oo khalad igama qabtaan, ee dan-toodda bay iila joogaan, xilka bay igu ilaasha-nayaan, mid-na uma tirsana reer-koodda, ma lihi la taliye daacad ah, ee way iga shaqaystaan, kuwo runta ii sheegi kara maaha. Shirkan Golaha dhexe ee Waddani, wuxu soo qufay Waxa alaale wixii ceeb aan lahaa, oo waa la i qaawiyey, wax aan hadda dadka la hor tago ma hayo, dalka waan ku soo wareegay siduu u dhan yahay, oo cid I rabtaa ma jirto, wax-ba la iga dhegaysan maayo, oo waa la i bartay, ma jirto cid I ogali, xataa qabyaaladdii waa la igu ogaaday, oo beeshayddii baa iga dareertay, meel aan wax ka qabtaa ma jirto, haduun baan is ogaaday in aan la i rabin, waxa ii hadhay oo keliya in aan diido doorashadda marka la yidhaaho waa lagaa helay iyo in aan imika dagaal sii oogo. Tallo way iga dhabaqsan tahay,meel asn ka soo noqdaana ma hayo.

* N.B Anays Baday Uurku-Taaladda, Ee Halkaan Tallo Ka Raadshaa?
Qore:- Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...