DEG DEG Hakan Fidan oo war cusub ka soo saaray wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya

Friday September 20, 2024 - 11:32:56
hadhwanaag
Wasiir Fidan ayaa muujiyey in uu rajo weyn ka qabo in heshiis



Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Turkiga Hakam Fidan oo Wareysi siiyey Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu qaab cusub ku abaari doono wada-hadalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo markii Seddexaad loogu balan sanyahay Ankara.

Wasiir Fidan ayaa muujiyey in uu rajo weyn ka qabo in heshiis rasmi ah ay labada dal gaaraan kaas oo meesha ka saaraya damaca Itoobiya.

Dowladdda Federaalka ee Soomaaaliya ayaa mar sii horeysay shaaca ka qaaday in heshiiiskii Itooobiya lagashay Soomaaliland uu ahaa mid sharci darro ah oo lagu soo xadgudbay Midnimada iyo Madaxbanaanida Dalka.

     
Loading...