DEG DEG Turkiga oo war cusub kasoo saaray wada hadalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Saturday September 21, 2024 - 12:36:01
hadhwanaagnews
Sidoo kale, waxaa la og yahay in Turkiga uu Itoobiya ...



Turkiga oo isku deyaya inuu xal u helo khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inuu sii wadi doono dadaallada wada-heshiisiineed ee uu ka dhex wado labada dal.

 

Sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, Itoobiya ayaa qorsheynaysa inay wejigii saddexaad ee wadahadallo gooni gooni ah la yeelato madaxda dalkaas si loo qaboojiyo xiisadda Geeska Afrika ee ka dhalatay heshiiskii ay la gashay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland.

 

Waxaa la xusuustaa in Turkiga oo xiriir dhow la leh Itoobiya iyo Soomaaliya uu Soomaaliya la gaadhay heshiis ah in laga wada shaqeeyo dhinacyo badan oo ay ka mid tahay iskaashiga milateri.

 

Sidoo kale, waxaa la og yahay in Turkiga uu Itoobiya la leeyahay iskaashi dhaqaale iyo mid ciidan oo sanado soo jirey.

 

Dhammaadkii bishii December ee sanadkii hore, Soomaaliya ayaa muujisay sida ay uga xun tahay heshiiskii Addis Ababa lagu saxiixay, kaasoo lagu doonayay in Itoobiya ay hesho bad ay isticmaasho halka Somaliland oo ay heshiiskaas wada galeenna ka faa’iidaysay ‘aqoonsi.

 

Soomaaliya ayaa waqtigaas Itoobiya ku eedaysay inay ku xadgudbaynayso madax-banaanideeda, sabab la xidhiidha heshiisyadii is-afgaradka ahaa ee ay dhinacyadaasi saxiixeen.

 

Waxaana ay isku dayday inay cadaadis ku saarto Itoobiya ka noqoshada arrintaas, iyada oo heshiisyo iskaashi la saxiixatay dalal kala duwan oo ay ku jirto Masar oo ay Itoobiya isku haystaan biyaha webiga Niil.

 

Turkiga ayaa dhowaan isku dayay inuu xal u helo xiisadda labada dal, isagoo madaxda labada dal kula hadlay magaalada Ankara, si loo dajiyo xiisadda u dhaxeysa labada dal.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayey in wareeg kale oo wada-hadal ah la isugu yimaado, maadaama aan la gaadhin natiijada laga filayey wada-hadalladaas.

 

Labadii wadahadal ee aan tooska ahayn ee Itoobiya iyo Soomaaliya oo hore u dhex maray wasiirradooda arrimaha dibadda, ay mar kale la shaaciyey Talaadadii in laga shaqeeyo in wejigii saddexaad ee wada-hadalladaas fool ka foolka ah la filayo inay sii socdaan.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan oo isku dayaya in la isu soo dhaweeyo labada dal ayaa wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegay in Turkiga uu sii wadi doono dadaalka uu ugu jiro isku soo dhaweynta Itoobiya iyo Soomaaliya.

 

Waxa uu intaa ku daray in intii ay socotay khudbadda Ankara ay labada dal u suurtagashay inay isku soo "dhawaadaan qodobbo gaar ah”, waxa uuna sheegay inay rajeynayaan in xal loo helo dhibaatada jirta.

 

Sidaa darteed, waxa uu yidhi: "Intii la iskugu keeni lahayn labada dhinac ee halkan [Turkiga], waxa aanu ka shaqaynaynaa ka hor is araggooda in la helo meel dhexe oo ay isugu iman karaan, kaddina la isugu keeno Turkiga iyaga oo wax la isla oggol”

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sida oo kale tilmaamay in Turkiga uu go’aan ku gaadhay in arrintan si gaar ah loo maareeyo, isaga oo ka duulaya "Waayo aragnimada" laga helay labadii wareeg ee hore ee wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Waxaana hore loo xasuustaa in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in wareeggii labaad ee wada-hadallada ay natiijo la’aan ku dhammaadeen, iyado oo ay sabab u tahay Itoobiya oo aan doonayn inay ixtiraamto madax-bannaanida Soomaaliya.

 

Madaxweynaha iyo madaxda sare ee Soomaaliya ayaa inta badan laga maqlaa iyagoo sheegaya in heshiis la geli doono marka ay Itoobiya diiddo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland.

 

Is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland oo la sheegay in la dhaqan-gelinayo muddo bil gudaheed ah oo ay saxiixeen, isla markaana aan faahfaahintiisa la shaacin, ayaa hadda galaya bishii 9-aad, iyada oo aan weli la gaadhin dhaqan-gelintiisa.

BBC/SOMALI
     
Loading...