"Xisbiga Waddani Weli Maynaan Maqal Go'aan uu soo Saaray oo uu ku Leeyahay C/rasaaq Khaliif Khaa'inul Waddan ayuu ahaa…" Muuse Biixi

Saturday September 21, 2024 - 12:29:40
hadhwanaagnews
Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay hadal ..



Muuse Biixi Cabdi, ayaa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ku eedeeyay in aanu weli war cad ka soo saarin guddoomiyihii hore ee golaha Wakiiladda Somaliland ee qaybta ka ahaa dhibaatadii dhacday magaaladda Laascaanood, maadaama uu ka tirsanaa xisbiga Waddani.

 

Waxaanu sheegay Muuse Biixi in iyadoo dhibaatadii Laascaanood ay muddo sanad ah ka soo wareegtay aanu hadana xisbiga Waddani weli caddaynin mawqifkiisa ku aadan ninkaasi qaranka shir-qoolay, isla markaana ka mid ahaa masuuliyiinta xisbiga Waddani.

 

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu u jeediyay bulshadda degmadda Sabo-wanaag ee gobolka Maroodijeex, halkaasoo uu Muuse Biixi xadhiga ka soo jarayay mashaariic kala duwan oo ay xukuumada Somaliland degmadaasi ka hirgelisay.

 

Muuse Biixi ayaa ku amaanay bulshadda Sabo-wanaag, nabad jacaylka iyo sida ay mar walba qarankooda u bar-bar taagan yihiin, isagoona ku dar-daaray in aanay ka leexan waddadii aabeyaashood, balse laga sugayo in sidii ay tallada nabada hore ugu qaateen in looga fadhiyo in ay halkeedi dhigaan.

 

"Talladaa nabada qaranka iyo weliba Hargaysa in ay nabad ku noolaato, gacantiina ayay ku jirtaa, tag u muhiimsana waa taa. Anigu xisbiga Kulmiye, ee aan ka sharaxanahay sidii nabadaa uu idinku aaminay iyo talladaa ayuun buu idinka sugayaa. Waano iyo dar-daaran midnaba la idin siin maayo, oo dadkii caqliga lahaa ayaad tihiin, haddii ay odayaashii hore dhinteena ubadkoodii ay dhaleen baa jooga”.

 

Waxa kaloo uu Muuse Biixi ka hadlay tartanka doorashooyinka ee dhawaan dalka ka bilaabmaya iyo sida ay xisbigiisa Kulmiye uga go’an tahay inuu wax walba ka horaysiiyo ilaalinta qarannimadda iyo nabad geliyadda dalka.

 

hase yeeshee Muuse Biixi ayaa sheegay in uu dareen ka qabo in xisbiga mucaaradka ah ee Waddani aanu dan iyo muraad toona ka lahayn dhibaato dalka ka dahcda, maadaama oo aanu weli mawqif cad iyo go’aan lagu qanco ka soo saarin dagaalkii uu cadawga badani qaranka isugu tegay ee ka dhacay magaaladda Laascaanood.

 

Muuse Biixi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Xisbiyo ayaa maanta tartamaya, labada xisbi ee laga baqayo in ay nabad-geliayda xumeeyaana, waa Waddani, iyo Kulmiye. Kulmiye, hadda ayaan halkan idiinka balan qaadayaaye, nabad-geliyo darro looga biqi maayo, xilkii qaranka ayay hayaan, masuuliyadda koowaad ayaa saaran, nabar kastoo lagu dhufto, iyo dhirbaaxo kastoo lagu dhufto, cay iyo af-lagaado kasta, in ay nabda uun ilaaliyaan maahee, doorashadda waxaa ka weyn qaranka iyo nabad-geliyada in la ilaaliyo ayaa ka weyn in qof la doorto.

 

Xisbiga kalena (Waddani), sidaas ayaa laga sugayaa. Laakiin, dareen baan qabaa. Waayo? Xisbiga Waddani dagaalkii dhacay ee cadawgu isku soo keen raacay, ninkii dhigay, ee fidmadaa sameeyay, ee qaranka khiyaameeyay, isgaa ayaa afkiisa ka qirtay oo wuxuu ahaa ninkii ay Waddani u doorteen guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland ee dalka ninka saddexaad ka ahaa, ayaa dalka khiyaameeyay”.

 

Waxaanu intaas raaciyay"Wel welku wuxuu ka joogaa, ninkaasi markuu dantiisii gaadhay, ee uu qaranka halkuu doonayay dhigay, ee uu gaadhigii baratagoolka guddoomiyaha baarlamaankana uu siiyay inaadeerkii oo Laascaanood joogay, wuxuu yidhi meeshiina waan isaga tegay, weligayna daacad umaan ahayn anigu.

 

Xisbiga Waddani weli maynaan maqal go’aan uu soo saaray, oo uu ku leeyahay khaa’inul wadan ayuu ahaa ninkaasi, oo dalka wuu ka baxay, oo beri ayaanu ka nahay, anigu ma hayo. Ninka sidaas ah inaad doorasho ku raacdaan iyo in aad dalka bad-baadisaan.

 

Xisbiga Waddani anigu wax kale ka sugi maayo, marka uu go’aan ka soo saaro uu caalamku og yahay oo leh, ninkaasi waa naga beri oo xisbigii waanu ka erinay… sanad baa ka soo wareegay imika markii ninkaasi uu wadanka ka baxay”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

 

 

     
Loading...