DEG DEG Nuxurka qodobbo laga soo saaray shirkii golaha wasiirrada ee Maanta

Saturday September 21, 2024 - 14:20:58
hadhwanaag
Geesta kale, golaha wasiirradu waxa uu dood iyo falanqayn ka yeeshay

May be an image of 6 people, dais and text


Fadhigii 132-aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Muuse Biixi Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu naaqishay arrimo door ah oo la xidhiidha Amniga, dhaqaalaha dalka iyo u diyaar-garowga doorashooyinka.

Ugu horrayn, waxa shirka warbixin la xidhiidha xaaladda guud ee Amniga dalka ka dhegaystay wasiirka wasaaradda arrimaa gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, sidoo kale waxa warbixinta xaaladda dhaqaalaha dalka iyo diyaarinta oddoroska miisaaniyadda 2025 lagaga dhegaystay wasiirkawasaaradda horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire.

Geesta kale, golaha wasiirradu waxa uu dood iyo falanqayn ka yeeshay qabyo-qoraalka xeerka Ciqaabta guud, sidoo kale, waxa wasiirka warfaafinta, Mudane Cali Xasan Maxamed iyo garyaqaanka guud ee qaranka, Mudane Cabdisamad Cumar Maal golaha usoo bandhigeen qabyo-qoraalka xeerka warbaahinta Somaliland, kaas oo beddelaya xeerkii hore loo odhan jirey, Xeerka Saxaafadda LR.27/2004, iyaga oo sharraxaad dheer golaha ka siiyey nuxurka iyo ahmiyadda uu leeyahay xaarkan cusub iyo waxyaabaha uu kaga duwan yahay xeerka uu beddelayo, iyada oo doodda labadan xeer halkaas kasii socon doonta fadhiyada soo socda.

Ugu dambayntii, golaha wasiirrada Somaliland, waxa uu si qoto dheer ua dooday diyaargarowga doorashooyinka qorshaysan 13-ka Bisha November, sannadkan 2024-ka, sidoo kale waxa uu goluhu ugu baaqayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland inay u diyaargaroobaan doorashooyinka iyo difaaca qaranka.

     
Loading...