Xisbiga Waddani Iyo Urur Siyaasadeedka Kaah Oo Maanta Bilaabay Fulinta Qorshe Ay Isla Qaateen

Tuesday September 17, 2024 - 19:38:46
Xisbiga Waddani Iyo Urur Siyaasadeedka Kaah Oo Maanta Bilaabay Fulinta Qorshe Ay Isla Qaateen


Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI iyo Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa waxaa ay maanta kulan laba geesood ah ku yeeshay magaalada Hargeysa.

Waddani iyo Kaah, ayaa kulankooda waxaa ay iskula qaateen qorshe cusub oo ay ku sheegeen inay ugu baxayaan gobalada dalka.

Qorshahooda, ayaa la xidhiidha sidii ay dadka reer Somaliland ee gobalada dalka ku kala nool ay ku soo wacyi gelin lahaayeen.

Waxaa ay isla qaateen in Xisbiga WADDANI iyo Urur siyaasadeedka KAAH u kala baxaan gobalada bariga Somaliland iyo gobalada galbeedka, Sida uu warbaahinta u sheegay Musharraxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in Xisbiga WADDANI uu safar ugu bixi doono gobalada galbeedka ee Somaliland.

Wuxuu sidoo kale sheegay in urur siyaasadeedka KAAH uu isaguna safar ugu bixi doono gobalada bariga Somaliland.


     
Loading...