Waxa uu Nebigu Scw sheegay in ay tahay dumarka tan ugu khayrka
Casharka maanta: Xog kooban oo ku saabsan Hooyada Mu'miniinta Khadiija Rc.
1. Waa Khadiija bintu khuweylad ibnu Asad ibnu Cabdil Cussa ibnu Qusay, waxana ay kamid tahay رضي الله عنها dadkii dhashay taarikhdii hijiryada horaanteed ee 68 miilaadiga.
2. Khadiijo Rc waa xaaskii koobaad ee Nebigeena Scw, waxana ay kamid tahay lixda xaas ee Nebiga Scw ay reer Qureysh isla ahaayeen, waxana ay abtirsimeheeda iyo kan Nebigu Scw ku kulmaan awooweheed shanaad.
3. Waxa uu Nebigu Scw sheegay in ay tahay dumarka tan ugu khayrka badan kuwooda jannada galaya, waana ruuxii u horeeyey ee Nebiga scw rummeeyey markii uu waxyigu kusoo degey.
4. Islaamka kahor Sayidda Khadiija Rc waxa ay ahayd gabar sharaf iyo hanti leh, midaas oo ahayd ganacsata ay u shaqeeyaan ganacsatooyin tiro badani, waana halka ay iyada iyo Nebiga Scw isku barteen.
5. Khadiija waxaa la sheegaa in markii ay Nebiga scw is guursadeen ay la noolayd muddo 25sano ah.
6. Khadiija Rc waa hooyada Nebiga Scw caruurtiisa oo dhan markii laga reebo hall wiil.
6. Sayidda Khadiija Rc waxa ay la gaar ahayd dabeecado aad u wanaagsan oo ay kamid ahaayeen dulqaad, garasho, dhawrsanaan iyo xasilinta qalbiga khayr khalqi laahi Nebigeena Muxamed Scw.
7. Sayidda Khadiija markii ay rummaysay Nebiga Scw waxa ay maalkeedii oo dhan u hibeysey Ilaahay iyo diinta Islaamka dartood, iyada oo ku taageertay Nebiga Scw xiliyadii ugu adkaa noloshiisa.
8. Sanadkii ay geeriyootay Sayidda khadiija Rc waxa uu ahaa sanadkii ugu murugada badnaa Nebiga Scw isaga oo sidoo kalena waayey adeerkiis, waxaana sanadkaasi loogu magac daray Sanadkii murugada (عام الحزن).
9. Nebiga Scw waxa uu sheegay in Khadiija jacaylkooda lagu arsaaqay, isaga oo cabbiraya jacaylka uu u qabey, mana uusan ilaawin intii uu ka danbeeyey oo dhan isaga oo u duceyn jirey Nebigu Scw sidoo kalena sadaqo u bixin jirey.
10. Waxaa lagasoo wariyey Caaisha Rc in ay tiri "Weligay ugama aanan masayrin Nebiga Scw haweenkiisa kale sida aan uga masayray Khadiija, aniga oo aanan xitaa arag iyada."
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!