Komishanka Doorashooyinka oo Gobollada Dalka Ka Bilaabay Sahaminta Xarumaha iyo Goobaha Codbixinta

Thursday September 19, 2024 - 09:28:50
hadhwanaagnews
Dhinaca kale Wefti ka socda Komishanka Doorashooyinka Qaranka



Wefti Komishanka Doorashooyinka qaranka ah oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Muuse Xasan Yuusuf oo ay wehilayaan xubnaha Guddida Hawlgalinta Ururrada/Xisbiyada ayaa waxay safar shaqo ku tageen Degmada Caynabo.


 

Ujeedada safarka masuuliyiinta Komishanka doorashiooyinka Qaranka ayaa ahaa sahaminta iyo xog-ururrinta goobaha codbixinta ee gobolada dalka S/LAND, taasi oo loogu diyaar garoobayo doorashooyinka ay diyaarinteeda gacanta ku hayaan Komishanku.

 

Geesta kale weftiga Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay kulamo la yeesheen Guddida Amniga ee GobolkaSaraar oo uu hormuud u yahay Badhasaabka Ku-Xigeenak Gobolka Saraar iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan, halkaasi oo ay ka wada xaajoodeen adkaynta amniga iyo sidii loo sugu lahaa nabadgelyadda ddorashada iyo goobaha laga codaynayo.


 

Dhinaca kale Wefti ka socda Komishanka Doorashooyinka Qaranka S/LAND ayaa safar ugu baxay gobolka Awdal, kaasi oo ay hogaaminayaan gudoomiye Ku xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Axmed Cismaan Xasan iyo Komishineer Ibraahim Macalin Aadan oo ay wehilayaan xubnaha guddida Hawlgalinta Ururrada/Xisbiyada waxay safar shaqo ku tageen gobolka Awdal Selel


 

Ujeedka safarka ayaa sidoo kale ahaa sahaminta iyo xog-ururrinta goobaha codbixinta ee gobolada dalka S/LAND.

 

Weftiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxay kulamo la yeesheen guddida amniga gobolka Awdal oo uu hogaaminayo Badhasaabka gobalka Awdal iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan, halkaasi oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa amniga iyo ilaalinta goobaha codbixinta, waxaana la isla qaatay in meel looga soo wada jeesto sidii loo sugi lahaa xaaladda guud ee amniga dalka xiliga lagu jiro u diyaar garawga doorashooyinka dalka ka qabsoomay 13 november 2024.

     
Loading...