Madaxwaynaha Somaliland oo qaabilay Madaxwaynayashii Somaliland soo maray qaarka mid ah,iyakoo ka wada hadlay Horumarka dalka.

Monday March 10, 2025 - 08:30:22
hadhwanaagnews
Madaxweynaha ayaa labada Madaxweyne ee hore uga horrayn uga xaal

May be an image of 3 people and text

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa caawa fiidkii kulan Afur ah ugu sameeyey hoygiisa Madaxweynayaashii 3-aad iyo 5-aad ee Somaliland Muddane Daahir Riyaale Kaahin iyo Muddane Muuse Biixi Cabdi .

Madaxweynaha ayaa labada Madaxweyne ee hore uga horrayn uga xaal waramey xaalada guud ee dalka.
Kulankan ayaa waxaa uu dabo socday kulamo hore oo uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) la yeeshay Madaxweynayaashii hore ee Somaliland si ay xogo-gaal ugu noqdaan iskana xaal waraystaan xaalada guud ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ku tilmaaman hoggaamiye ku suntan la tashi iyo tixgelin.

May be an image of 1 person
May be an image of 1 person and dais
May be an image of 1 person and text
May be an image of 3 people

     
Loading...