Wasiirka Arimaha Gudaha oo la kulmay Komishanka Xuquuqda Aadamaha iyo Safaraadda Ingiriiska ee Nayrobi

Monday March 17, 2025 - 13:28:06
hadhwanaagnews
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdalle Maxamed Carab



Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdalle Maxamed Carab, Guddoomiyaha Komishanka Xuuquuqda Aadamaha Qaranka Maxamed Baaruud, Agaasimaha Fulinta iyo komishaneerada Komishanka, ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeyntaWasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka si loo horumariyo xaaladaha xuquuqda aadamaha ee Dalka

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdalle Maxamed Carab ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay XukuumaddaSomaliland uga go’an tahay illaalinta xuquuqda aadanaha, waxaanu xaqiijiyay in Wasaaraddu ay diyaar u tahay wada-shaqeyn buuxda oo ay la yeelato Komishanka Xuuquuqda Aadamaha Qaranka si loo horumariyo loona ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta, gaar ahaan kuwa ka tirsan bulshada nugul.

 

 

Geesta kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Somaliland Mudane Cabdale Maxamed Carab ayaa shalay kulan la qaatay Captain James Edwards, Madaxa Xafiiska Ciidamada ee Safaaradda Dalka Ingiriiska ee Nairobi, iyo Camilla Landberg, oo ah Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa.

 

 

Kulankan oo ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amni, gaar ahaan amniga xeebaha Somaliland.

     
Loading...