Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay dood ka yeeshay siyaasadda arrimaha Gudaha ee dalka, halka sidoo kalena, Mudanayaasha Golahaasi Warbixin ay ka dhageysteen xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa guddidii Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu hogaaminaayey, kana soo howlgaley arrimaha Qarameynta Ciidamaddii Madaniga ahaa iyo xal u helida khilaafkii Ceel- afweyn.
Fadhigii shalay ee golaha Guurtida Somaliland oo uu shir-guddoominaayey guddoomiyaha golahaasi Mudane Salebaan Maxamuud Aadan ayaa Mudanayaasha Golahaasi waxay Warbixin faahfaahsan kaga dhageysteen Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa guddidii Nabadeynta xal u helida arrintii Ceel Afweyn iyo howlihii Qarameynta Ciidamadda Madaniga ah.
Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warbixintiisa kaga warbixiyey xal u helida arrintii khilaafka Ceel Afweyn, iyadoo Mudanuhu uu xusey in lagama maarmaan tahay in go’ankaasi ka soo saareen Guddidii Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu hogaaminaayey in ay aqbalaan labada dhinacba.
Mudanuhu waxaa kale oo uu sheegay in howshii Qarameynta Ciidamada madaniga ahaa Guddidaasi guul ku soo dhammaatey howshaasi, isla markaasina, Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu xusey in looga sii gudbi doono arrimaha Nabadeynta Magaaladda Ceeri-gaabo.
Dhinaca kalena, Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu ku boggaadiyey weftigaasi uu hogaaminaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, guushii wax ku oolka ahayd ka soo hooyeen Qarameynta Ciidamadda Madaniga ah iyo xal u helida shaqaaqadii Ceel- afweyn-ba.
Geesta kalena, Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshey siyaasadda arrimaha Gudaha ee dalka ayaa Mudanayaashu dooddoodaasi waxay kaga warameen talaabada Xukuumadda Somaliland, ku dardargalineyso arrimaha nabadgelyada ee Wadanka, iyagoo Mudanaayshu xusey in lagama maarmaan ay tahay in bulshaduna ku garansiiyaan Dowladda Arrimaha nabdgelyada ee Dalka.
Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa Shirguddoonkooda waxay ka dalbadeen in la soo gole joojiyo wasiiradda wasaraddaha arrimaha Gudaha iyo Dib-u-dajinta iyo arrimaha Bani’Aadamnimada, si Gole weynuhu wax uga weydiiyaan Masuuliyiintaasi howlaha Qaranka u hayaan iyo wax ka qabashada dadka Ajaanibka ah oo muddooyinkii u dambeeyey dalka ku soo madanaayey.
Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxay si wado jir ah shirguddoonkooda uga codsadeen in shahaado sharaf Gole weynaha hortiisa lagu guddoonsiiyo weftigii Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu hogaaminaayey, kana soo howlgaley arrimihii Qarameyntii Ciidamadda Madaniga ahaa iyo xal u helida khilaafkii Ceel- afweyn.