Korneel Biixi miyaysan Jirin Cid Talo Siisa Mise Doorasho Ayuusan Rabin

Tuesday September 03, 2024 - 11:20:03
hadhwanaagtv
Sharciga Iyo Xarigga Xildhibaanka

 


Waa un labo mid in Korneer Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland uusan diyaar u eheen Doorashooo Codka Shacabka ku nool Awdalee Jamaahiirta ah ee hore bandhigga ugu sameeyay gobalkaas uusan rajo ka qabin iyo midnimada Somaliland-ta hadda jirta ee ee Xildhibaan Abiib uu ku matalo shacabka Gobalkaas , ama waa in odayga uusan leheen rag iyo gabdho la taliya oo xog ogaal u ah Xaaladda sidoo kale odorosi kara Doorashooyinka iyo Saameynta hoggaamiyaha ee xiligan oo diyaar garow-xoogan oo dhanka Doorashooyinka ah ay ka socdaan Somaliland .


Ugu dambeyn hadii korneerkauu rajo ka qabo Codka Gobalada uu Matalo Xildhibaan Maxamed Abiib waa in raali-galin siiyaa shacabkaas ka carooday xarigga xubintan Xasaanadda leh ee sida muuqata aan dacwo lagu soo oogin ,

Sharciga Iyo Xarigga Xildhibaanka

Afrika waa meel Madaxdeedu sharciga ay gacmaha ku sitaan oo aanay jirin xeer iyo dhigaal ay xeeriyaan , hoggaamiyaha ayaa habeenkii ku fakaraya xarigga xubin mucaarad ah si fudud ayuu mid uu qabiil iyo xigto ahaan Garsoorka ugu daray uu ku leeyahay habel ayaan rabaa in aad xarigiisa aad Xalaaleeyso xitaa waa suura-gal in Taariikhda iyo dhacda Dacwo oogista loogu qoro sida uu rabo ileen waa duni hunguri iyo qabyaalad hoggaamiysee ,

 

Abiib Iyo Xarigiisa

 

In kasta oo aan ahay sharci yaqaan Bartay Culuumta Sharciga , hadana waxaan dib u eegay xeerarka Golaha Wakiilada Somaliland iyo Cutubyada Xasaanadda Xildhibaanka .

Xarigga Abiib waa gaf iyo meel ka dhac marka sharciga Somaliland loo eego oo aan cidna lagu raali-galin , laakiin wax walba waa laga filan karaa hoggaanka talada haya iyo in qiil ay u sameeyaan sida hore aan ugu soo hadlayba

Si kasta waxaa ila qurxoon xeerarka iyo shuruucda la dagsaday in la dhowro laakiin koox walba oo Xukun qabsata hadii ay xeerarka iyo sharciga ay ooge iyo fuliye ka noqdaan wax aka dhalan kara qof walba waa garan karaa , ugumana sii jirto dalalka soo koraya .

Waxaase mihiim ah in wixii la qortay lagu heshiiyay la dhowraa si xasiloonida nabadda iyo horumarka aan ugu naaloonno .

 

W/Q:Xasan Maxamed Cali Kaahiye

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...