Talo Kooban dhalinyarada gudaha waddanka ku sugan ee leh rajada siyaasadda

Friday March 14, 2025 - 14:15:48
hadhwanaagnews
inaad Xil hesho ama qabato kama dhigna Inaad kusii waaraysid ...




1- noqo qof leh Alle ka Casbiga u yahay Asal

2- waxaa jiri doona caqabado farabadan oo kula Soo darsi doona kaagana imaan doonta dadka dad kuugu dhow iyo Kuwa aad shaqo wadaagta tihiin marnaba haka tanaasulinin shakshiyaddaada oo ha u Jabin oo hankaaga yaysan hoos u dhigin.

3- Marba haddaad Siyaasad Faraha la gashid ha noqon lagu liibaane Magiciisa iyo aharaftiisa la isticmaalo.

4- inaad Xil hesho ama qabato kama dhigna Inaad kusii waaraysid isku day inta tabartaada ah inaad waxqabato intay awoodaada ku gaarsiiso.

5- noqo qof ku suntan Mabda' iyo qawl adayg waxay ku dhaxal siin doontaa inaad ka badbaado Mujaamalooyin farabadan.

6- dadka Masaakiinta ah haku dulminin awoodaada oo noqo adeege sharfan.

7- Samayso Jadwal hawleed Hana Fara gashan wax aan k qusaynin.

8- waxaa jiri doona waxyaabo laguu Soo bandhigi doono sida inaad aflagaadayso dadka ka aragtida duwan system-ka aad ku jirtid laakiin ha yeelin oo iska fogeey dulmiga.

9- Wakiil haka noqonin shaqo qof kale leeyahay sida Masuulka kaa Sarreeya.

10- Waxyaabaha galaafta dhalinta ku Cusub Saaxadda Siyaasadda waxaa kow ka ah in Aad aaminto in qof kugu hayn karo halkaad Joogto ama xilka aad hayso waa been ee dedaal oo noqo qof ku Kooban shaqada ku hortaala.

11- haddii wax damiirkaaga ama Xaqa ka Soo horjeeda laguu meeriyo ha qaadan oo raac wixii Saxan.

Waxaa ugu wayn ee la ii sharaystay waa inaan noqday qof ku adag mabdi'iisa iyo Xeerarka toosan taasoo ka caraysiisay dadkii aan shaqo wadaagta ahayn balse wax dhib ah ama shalayto ah ma dareemayo mana u joojin hadaladooda.

Iska ilaali oo ka digtoonow dhaqamada Madaxda Maamulada qaarkood oo ah ii nacamlay oo I imaan si aad usii haysato booska ama waxaad noqonaysaa Cadaw aniga iga Soo horjeeda. Taasi waxay hoos u dhigi doontaa dadnimadaada iyo inaad iswaydo oo aad gaarto heer aad Arki waydo qiyamkaaga qofeed.

Anigu waxaan aaminsanahay in shaqo lawada qaban karo ayadoon la is dulaysanin oo kabo qaad la noqon.

The task of leadership is not to put greatness into humanity, but to elicit it, for the greatness is already there.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...