5 Talo Oo kugu Hagaya Nolol Hagaagsan.

Wednesday July 16, 2025 - 15:41:55
hadhwanaagnews
1. Ka Fogaanshaha Dambiyada


Dambiyadu waa asalka murugada, walbahaarka, iyo dhibaatooyinka. Nolosha farxadda leh waxay ku timaadaa marka la ilaaliyo xuduudaha Eebbe, laguna dadaalo in la joogteeyo towbada.

2. Ha U Nuglaan Hadalka Xun

Hadalka xun ee lagu yiraahdo adiga waxba kuu dhimi maayo. Wuxuu dhaawacaa qofkii yiri. Dhaliil aan wax dhisayn dheg ha u dhigin.

3. Bedel Qaab-nololeedkaaga.

Ka fogow caajiska iyo nolol isku mid ah. Isbeddellada yaryar oo wanaagsan sida dejinta yoolal cusub, barashada xirfad cusub, ama beddelidda jadwalka maalinlaha ah waxay kugu abuuri karaan firfircooni iyo dhiiranaan.

4. Cibaadada!

Ku dadaal salaadda, istiqfaarka, Qur’aan Akhriska, xuska Alle iyo ducada. Waxay qalbiga dejiyaan xasillooni, waxay kuu furnaan albaabada barakada, waxayna kaa ilaaliyaandhibaatooyinka nolosha.

5. U Door Naftaada Xiriiro Caafimaad Qaba.

Ha la fariisan dadka nacaybka, masayrka, iyo faafinta murugada ku caan baxay. U dhawow dadka deggan, niyadsan, oo kugu dhiirrigeliya horumar iyo wanaag.

Usame Qiyasle

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...