1. Sirtaada ku koob laba: naftaada iyo Rabbigaaga.
2. Ha ka baqin laba: rizqiga (quudka) iyo geerida, waayo labaduba waxay ku jiraan gacanta Alle.
3. Ku dadaal inaad ku farxad geliso laba qof aduunyadan: hooyadaa iyo aabbahaa.
3. Marka dhibaato kugu timaado, kaalmayso laba: samirka iyo salaadda.
4. Laba waligaa ha xusin: wanaagga aad dadka u samaysay iyo xumaanta ay adiga kuu geysteen.
5. Laba waligaa ha iloobin: Allah iyo Aakhiro.
Ilaahay ha inaga dhigo kuwa xuso oo xasuusta naxariistiisana hela.
Usama Hassan Muhammad
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!