Dhaqan laga yaabo inaad leedahay oo oo burburin kara xiriirkaaga. Qaabkan ayaad isaga joojin kartaa

Wednesday November 19, 2025 - 06:20:50
hadhwanaagnews
Halkii aad naftaada ku dhaleeceyn lahayd is-xakameyn



Dhammaanteen waan ognahay in taleefannadeennu aysan u wanaagsanayn xiriirkeenna, laakiin taasi nagama joojiso inaan eegno tobnaan jeer maalintii.

 

Taasi waa sida afka qalaad loogu yeero phubbing - adiga oo si aan ula kac ahayn isaga indha tira kana dorta taleefankaaga - waa wax maalin walba dhaca.

 

Tani waxay saameyn ku yeelan kartaa xiriirkaaga iyadoo ka dhigaysa lammaanayaasha inay dareemaan in la iska indho-tiray iyo isticmaalka taleefoonka waalidku runtii waxay saameyn ku yeelan karaan carruurta iyadoo daciifineysa inaad xiriir la yeelato ilmaha marka ay yar yihiin iyo inay hoos u dhigaan isku kalsoonaanta kuwa waaweyn.

 

Halkii aad naftaada ku dhaleeceyn lahayd is-xakameyn la'aantaada, diiradda saar inaad dhug u yeelato marka aad telefoonkaaga soo qaadanayso, taas waxay noqon kartaa mid waxtar badan, sida uu qabo mid ka mid ah cilmu-nafsiga.

 

Dr Kaitlyn Regehr, oo ah barafasoor ku-xigeenka Jaamacadda College London ayaa soo jeedinaysa hal dariiqo oo fudud oo lagu joojin karo inaad si miyir la'aan ah u qaadato taleefankaaga marka aad qof kale la joogto.

Mar walba oo aad soo qabsato telefoonkaaga, u sheeg qofka kale sababta aad sidaa u sameyneyso, markaad ka bogatana, dhulka dhig oo dib qofka ula sheekeyso.

 

Waxay u muuqataa durba wax fudud, balse Dr Regehr ayaa sheegaysa in isbeddelkan yar uu gacan ka geysanayo inaan beddelno dhaqankeenna maaddaa aan in badan eegno telefoonkeenna, rogrogno waxyaabaha cusub ee aan aragno amaba aan wax uun iska daawanno annagoon ka fekerin.

 

Waxa ugu muhiimsan ayaa ah saraaxadda, marka haddii farriini kuu soo dhacdo oo aad u baahan tahay inaad eegto, waa inaad u sheegtaa qofka ama dadka kula jooga: "Waa inaan ka jawaabaa farriintan, kadibna waan idiin soo laaban doonaa."

Inaad magacowdo - "waa inaan eegaa xilliyada tareenkeyga" amaba "waxaan u jawaabayaa hooyadey" - waxaad kala dhantaaleysaa dabeecadda ah inaad eegto telefoonkaaga sidoo kalena waxay taasi qofka ku ag jooga siineysaa farriin ah inuu muhiim kuu yahay.

 

"Waxay ka joojineysaa qofka kale inuu dareemo in la iska indha tiray," ayay tiri Dr Regehr.

 

"Waxayna kaa dhigeysaa qof la isku halleyn karo, sababtoo ah way yar tahay inaad u baahato inaad rogrogto app-yada."

 

Inaad sidan sameyso waxay sidoo kale hagaajin kartaa xiriirradaada.

Dr Claire Hart, oo ah barafasoor ku-xigeenka cilmi-nafsiga ee Jaamacadda Southampton, ayaa hoggaaminaysay daraasad 196 qof loogala hadlayay xiriirkooda iyo isticmaalkooda taleefanka. Guud ahaan natiijadu waxay muujisay in mar kasta oo aad dareento in la iska kaa indha tirayo, uu sii xumaanayo xiriirkaagu.

 

"Qof walba isku si uma dhaqmo," Dr Hart ayaa tiri. "Waxay ku xiran tahay shakhsiyadda, laakiin marka hal qof uu dareemo in la iska indho tiray, waxay dhalin kartaa aargoosi.

 

"Waxay soo qabsadaan taleefoonkooda, taasina waa marka ay noqoneyso mid khatar ah maaddaama lammaane kasta uu dareemayo diidmo ama inay ka qiimo badan yihiin waxa telefoonka laga daawanayo."

 

Mar kasta oo aad ku mashquusho telefoonkaaga waxaad luminaysaa isku xirka idinka dhexeeya qofka kale, marka sheeko idiin socotay aad ka tagto ee aad telefoonkaaga eegtana waqti ayay kugu qaadan karto inaad sheekada halkeeda kasii waddaan.

Bbc/somali

     
Loading...