Dirir Iyo Dagaal Duul Lagu Saliday,Diiday Nabadeena,Dabka Saara,Ha Duraamanina,Diida Taladooda.

Monday September 02, 2024 - 07:23:36
hadhwanaagtv
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.



Bismillaahi Alraxmaan Alrxiim [A.S.C.W.R.W.B.]


 

Dawladii Dulqaadkeed Dhamaa,Dedilahayd Ceebtan,

Deminamayso Dirir Iyo Colaad,Duulka Xamar Oogtay,


Dameero Weeyaanun Bakhtiyey,Duulkan Lagu Laayay,

Diyada Laga Baxshaaba Denbiyoon,Diintu May Dhigiin,


Dagaalan Macno Lahayn,Doqonada Lagu Dugadheyay,

Daarood Iyo Isaaq Baanu Nahay,Diin U Noqon Mayso,


Dumisoo Dalkiinii Gubtoo,Qaxe Dadkiikiiniina,

Darxumaday Haweenkiyo Qabaan,Ubadkii Daaduumay,


Duliga Iyo Mid Liitaa Xurnimo,Mooday Dalandoolkan,

Kamana Dahsoona Eebbaha Kuwii Daayacaas Badaye,


Daayinkeenu Wuu Garanayaayo,Diirna Kama Saara,

Degenaansho Diidiyo,Dakeenano Nabad Ku Daaqdaane,


Dambarsadaay Dabkiiyaad Sudheen,Dumi Minkiiniiye.

Ismail Abdillaahi Handueleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...