DEG DEG Somaliland oo Axmed Karash U Dirtay Digniin Culus.

Wednesday August 28, 2024 - 18:49:19
hadhwanaag
Dawladda Somaliland waxa ay digniin culus u diraysaa dadka hurinaya



Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay inay ka walaacsan tahay weeraro khasaare dhimasho sababay oo koox Somaliland diid ah oo uu ka dambeeyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Axmed Karaash ka geystay deegaanka Goof oo 80 koonfur bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo ay soo turjuntay wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, kaasi oo u qornaa sidan:-

"Xukuumadda  Somaliland waxay si weyn uga walaacsan tahay xaaladda colaadeed ee dhawaan ka dhacday degmada Goof iyo nawaaxigeeda ee koonfur bari gobolka Sanaag.Colaadan oo ay si badheedh ah u hurinayaan kooxo maleeshiyaad ah oo ujeeddadoodu tahay inay carqaladeeyaan doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bisha November, isla markanaa ay mija-xaabiyaan nabadglyada ay tobannaanka sanno sida hagar la’aanta ah u ilaashanayeen dadk iyo dawladda Somaliland.

Doorashooyinka innagu soo foolka leh oo si nabad ah u qabsooma iyo ilaalinta xasilloonida dalka ayaa ah shayga kaliya ee ay xambaarsan tahay rabitaanka muwaadiniinta Somaliland.

Illo sirdoon oo hordhac ah oo ay heshay Xukuumadda  Somaliland ayaa sheegaya in dagaalladan Somaliland ka dhanka ah uu hoggaaminayo Axmed Karaash oo ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee maamulka Puntland, oo ay weheliyaan dhowr malleeshiyaad ah oo ka soo horjeeda Somaliland,

 kuwaasoo aan ujeeddadoodu ahayd oo kaliya inay khalkhal geliyaan xasilloonida Jamhuuriyadda Somaliland, balse khatar ku ah guud ah guud ahaan gobolka Geeska Afrika."

Waxa kaloo warsaxaafadeedkaas lagu yidhi "Xogahan ayaa sidoo kale muujinaya in Axmed Karaash uu hadda ku sugan yahay degmada xuduudka ah ee Buuhuudle ee Somaliland, isla markaana uu si firfircoon isugu dayayo abaabulka ciidammo malleeshiyaad ah."

Weerarka gardarrada ah ee ay kooxaha malleeshiyaadka ahi ku kaceen, ayaa illaa hadda galaaftay nolosha siddeed qof oo ay ku jiraan shan qof oo xoolo raacato ah oo aan waxba galabsan, kuwaas oo si arxan darro ah loogu laayay deegaanka Goof oo 80km dhinaca koonfur-bari ka xiga magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ee Somaliland. Falal aargoosi ah ayaa sidoo kale lagu dilay saddex ka tirsan malleeshiyaadka dagaallamay.

Sidaa daraaddeed Xukuumadda Somaliland waxa ay si cad u cambaaraynaysaa gardarradan ay ku kaceen malleeshiyaadka Somaliland diidka ah, waxaanay ugu baaqaysaa beesha caalamka inay ka war hayaan weerarkan oo khatar weyn ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka."

Warmurtiyeedka Xukuumadda waxa uu intaas ku daray "Shacbiga Somaliland waxa aanu u xaqiijinaynaa in la qaadayo tallaabo kasta oo lagaga horagayo in rabshado kale dhacaan.

Xukuumadda  Somaliland waxa si hagar la’aan ah uga go’an ilaalinta nabadgelyada muwaadiniinta iyo dhulka Somaliland.

Dawladda Somaliland waxa ay digniin culus u diraysaa dadka hurinaya colaaddan inay si degdeg ah u joojiyaan gardarrada ay wadaan.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland kama gaabsan doonto inay qaaddo tallaabooyin ku habboon oo lagu ilaalininayo dalka iyo sugidda nabadgelyada muwaadiniinta.

Xaaladu waa ay is bedbeddalaysaa, xukuumadda  Somaliland dib ayay ka soo sheegi doontaa wixii warar ah ee ka soo kordha xiisaddan. Waxaanu ugu baaqaynnaa dhammaan shacabka reer Somaliland gudo iyo dibedba inay u midoobaan gardarrada qaawan ee lagu hayo Somaliland," ayaa lagu soo gabo gabeeyay warsaxaafadeedka ay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda SOMALILAND


 
     
Loading...