*Maqaal: Dastuurka Somaliland iyo Qorshaha Madax-bannaanida* M.H .Faarax

Saturday August 24, 2024 - 12:04:55
hadhawanaag
Maxay tahay ujeeddada ka dambeysa arrintan? Xuska midnimadan


 

Dastuurka Somaliland, gaar ahaan Qodobka Koowaad, wuxuu ku jiraa tixraacyo taariikhi ah oo khilaafsan xaqiiqda madax-bannaanida Somaliland. Waxaa ku Xusan dastuurka Somaliland malinta Somalia gaarka u leedahay ee 1-da July 1960. Xuska 1-da July 1960—oo Marna ahayd maalintii lagu midoobay Somali Republic —wuxuu mugdi gelinayaa madax- bannaanida Somaliland, maadaama midnimadaas aan si rasmi ah loo ansixin (ratified) ama aanan la xadidin shuruudaha midnimadaas.


 

Su’aasha is-weydiinta mudan ayaa ah: maxaa keenay in dastuurka Somaliland lagu daro xuska midnimo aan sharciyad lahayn?

 

Maxay tahay ujeeddada ka dambeysa arrintan? Xuska midnimadan aan rasmi ahayn

wuxuu abuuri karaa shaki ku saabsan madax bannaanida Somaliland iyo sax ahaanshaha tixraacyadaas ee ku jira dastuurka.

 

Somaliland waxay buuxisay shuruudaha madax- bannaanida, waxaana u hadhsan oo kaliya aqbalaadda xubinnimada Qaramada Midoobay (United Nations).

 

Haddaba, maxaa weli looga dalban waayay aqoonsigaas?

 

Sababta waxaa laga yaabaa inay la xidhiidhto tixraacyada khaldan ee ku jira dastuurka, kuwaas oo u baahan in la saxo si Somaliland ugu dhaqaaqdo xubinimada iyo ka mid noqoshada Qaramada Midoobay ( United Nations).

 

Dib-u-eegis dhab ah oo lagu sameeyo dastuurka, iyadoo la saarayo tixraacyada aan habboonayn, ayaa muhiim u ah in la caddeeyo mowqifka Somaliland ee madax

-bannaanida iyo inay u diyaar garoobaan aqoonsi caalami ah. Saxidda arrimahan waxay fure u noqon doontaa guusha Somaliland ee xubin ka noqoshada Qaramada Midoobay.

 

M.H. Faarah

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...