Xukuumadda Sweden oo laga Dalbaday Ka Hortaga Khilaafka Soomaaliya ee Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Thursday August 22, 2024 - 11:49:40
hadhwanaagnews
Iskaashiga Itoobiya iyo Somaliland waxa kale oo uu kor u qaadayaa...




Xukuumada dalka Sweden ayaa laga dalbaday inay ka hortagto khilaaf siyaasadeedx iyo dagaal ay dawladda taagta daran ee Soomaaliya ka abuurto heshiiska iskaashi ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya.

 

Xildhibaan Markus Wiechel oo 20 August 2024 ku soo bandhigay Baarlamaanka Swden su’aal uu u gudbiyey Wasiirka Arrimaha Dibeda dalkaasi Md Tobias Billström ayaa ku dalbaday inuu talaabooyin dublamaasiyadeed oo lagaga hortagayo khilaafka Soomaaliya ka qaado.


 

Qoraalka Xildhibaan Wiechel ayaa u dhignaa sidan:- "Heshiiska Is-afgaradka ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, oo ah mid Itoobiya fursad u siinaysa dekedda Berbera oo ah deked aad muhiim u ah oo ku taal Gacanka Cadmeed ee u dhow Badda Cas, waxuu yeelan doonaa diblomaasiyad fog iyo faa’iidooyinka bini’aadantinimo goobtan istiraatiijiga ah oo aad muhiim u ah. Heshiiskani wuxuu u furayaa saameyn togan malaayiin qof oo gobolka ah iyo sidoo kale inay ka faa’iideystaan ​​xidhiidhka gobolka iyo Yurub, oo aanay ka madhnayn Sweden.


 

Iskaashiga Itoobiya iyo Somaliland waxa kale oo uu kor u qaadayaa is-dhexgalka gobolka iyo nabadgelyada, taas oo muhiim u ah xasilinta Geeska Afrika oo ah gobol taariikhi ah oo qalalaase ka jiro. Xasiloonida Itoobiya iyo nawaaxigeeda waxay ka dhigan tahay hoos u dhac ku yimaada khatarta iska horimaadyada iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo, kuwaas oo dabcan saameyn wanaagsan ku leh meel ka baxsan gobolka sidoo kale.

 

Xildhibaan Wiechel ayaa qoraalkiisa raaciyey sidan:- "Arrinta werwerka leh ee xaaladdan ku jirta ayaa ah in madaxweynaha aan la dooran ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku hanjabay dagaal, sidoo kalena uu la xidhiidhay Turkiga iyo, Masar sidii ay u xoojin lahaayeen awooddooda ciidan. Sidoo kale waa kaligii-taliye, ay qaar wasiirradiisu ka mid ahaayeen hoggaamiyeyaashii hore ee argagixisada, inkasta oo aanu awood u lahayn dhulkiisa, haddana diyaar u ah inuu ku duulo waddanka ugu dimoqraadiga badan gobolka. Waxa marag madoon ah in Soomaaliya ku hamiyeyso sii socoshada isir-tirka beelaha Somaliland ee (Isaaq) ee soo bilaabmay xilligii kali-taliyihii Siyaad Barre.


 

Marka la eego arrimaha kore, Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Tobias Billström waxaa laga codsanayaa inuu ka jawaabo su’aasha soo socota:

 

Wasiirku ma ka fiirsan karaa in uu qaado tillaabooyin diblumaasiyadeed oo looga hortagayo in Soomaaliya bilowdo dagaal aan loo baahnayn oo dhici kara inuu xasuuq keeno, si taasi u dhicin maxaa tallaabo ah oo aan ka filan karnaa Wasiirka iyo Xukuumadda?.”


 

Qoraalka xildhibaan Wiechel oo lagu baahiyey mareegta Baarlamaanka Sweden ayaa lagu sheegay in Jawaabta Wasiirka Arrimaha Dibedda Md Tobias la filayo 02 September 2024.


 

Xildhibaan Wiechel oo si weyn u taageera Qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland marar kala duwana baarlamaanka ka jeediyey doodo lagu taageerayo Somaliland ayaa socdaal hore ugu yimi dalka, si uu indhahiisa ugu arko horumarka iyo nabadgelyada ka jirta.

 

 

     
Loading...