Xukuumadda Wareegto ku soo Saartay Go'aan lagu Dhaqan-galinayo Hagaha Maamulka Gaadiidka Dawladda

Thursday August 08, 2024 - 07:50:13
hadhwanaagnews
Geesta kale wareegtadan u uku soo saaray dhaqangelinta haggaha...



Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Mudane Raabi Cabdi Maxamed, ayaa soo saaray wareegto lagu dhaqan-galinayo hagaha maamulka gaadiidka Dawladda.


 

Wasiirku waxa uu sheegay in markii uu arkay ahmiyada balaadhan ee uu Qaranka u leeyahay dib u habayn lagu sameeyo hanaanka maamul ee gaadiidka dowladda ay laga marmaan noqotay in wareegtadan la soo saaro.


 

Geesta kale wareegtadan u uku soo saaray dhaqangelinta haggaha maamul ee gaadiidka dowladda waxa uu xusay in uu kala tashaday waaxda gaadiidka iyo farsamada ee wasaaradda gaadiidka, waxaanu intaas ku daray in uu weeleeyay taladii masuuliyiintii ay khuseysay.


 

Wareegtadan oo uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Mudane Raabi Cabdi Maxamed, oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeysyadda Dawan ayaa u dhigneyd sidan.


 

"Waxaan go’aamiyay dhaqangelinta haggaha maamulka gaadiidka dowladda, si aan uga midha dhaliyo hadafka iyo ujeedada dib u habaynta hannaanka maamul ee gaadiidka iyo hay’adda dawladda, kaas oo la rabo in uu noqdo nidaam maamul oo wax ku ool ah”

     
Loading...