"13 Qodob oo seejin doona Kursiga Madaxweyne Biixiga Sharaxan Marka lagaadho 13 November 2024.

Wednesday July 31, 2024 - 07:31:13
Hadhwanaagtv
Ballan qaadyadii Kulmiye ee hore oo 95% beenoobay.
May be an image of 2 people and text


1. Jabkii Goojacade iyo Dhaawacii soo gaadhay cudidii Ciidanka Qaranka.

2. Xuduudihii Dalka oo soo koombay, 5 Gobol oo badh maqanyahay gacanta Somaliland kujiraan.

3. Cadaalad Darro, eex iyo Qaraabo kiil baahsan.

4. Musuqmaasuq Xadhkaha goostay iyo isla xisaabtan la,aan ragaadiyay Hay'adihii Dowlada.

5. Shaqo la,aan baahsan iyo Rajadii dhalinyarada oo soo oodantay.

6. Sixir barar halis galiyay noloshii Dadka danyarta ah.

7. Siyaasadii Arrimihii debeda iyo xidhiidhadii caalimiga ahaa ee Dalkani lahaa oo hoos u dhacay.

8. Dalkii dhaqaalihiisu korayay oo Burbur dhaqaale Wajahaya.

9. Ballan qaadyadii Kulmiye ee hore oo 95% beenoobay.

10. Qabyaaladii iyo Kala qaybsanaantii Bulshada oo meel adag gaadhay.

11. Abuuristii khilaafyada siyaasiga ah ee lagu sigtay inuu Qarankani Kala daato.

12. Xaraashka Dhulka danta guud iyo Damaca lagu qaatay Dhulkii Danyartu deganayd.

13. Ku tumashada Shuruucdii Qarankani lahaa iyo Xeer jabin aan gabasho lahayn, halhayska laisku joojin maayo laga doorbiday ku dhaqankoodii.”

WQ. Xildhibaan Axmed Wali oo ka titsan golaha deegaanka Gebilay
     
Loading...