Muuse Biixi ma qaadi doona Jidkii Saaxiibkiisi uga horeeyey kursiga ee Madaxweyne Siilaanyo?

Monday September 30, 2024 - 13:52:29
Hadhwanaagtv
Waxa uu mamnuucay in Hantida Qaranka loo adeegsado
May be an image of 2 people, dais and text


Madaxweyne Biixi ma qaadi doona Jidkii Saaxiibkiisi uga horeeyey kursiga ee Madaxweyne Siilaanyo?
Tagtada taariikhihii laga diwaan Galiyey Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Madaxweynihii hore ee Somaliland waxa uu 30 kii September 2017 Awaamiir dul dhigay laamaha dawladda, Ciidamadda iyo cid kasta oo gacanta ku haysa Hantida dawladda.

Waxa uu mamnuucay in Hantida Qaranka loo adeegsado Ololaha Xisbiyada, waxa kale oo uu wakhtigaasi faray shaqaalihii dawladda iyo Ciidamada kala duwan in aanay ku dhex milmin tartanka ololaha doorashada.
Siilaanyo Waxa Waagaasi carabka ku adkeeyey in loo sinnaado adeegsiga warbaahinta Dawladda.
     
Loading...