Murashaxiinta xilka madaxweyne xigeenka Mareykanka oo yeeshay dood kulul

Wednesday October 02, 2024 - 10:33:51
Hadhwanaagtv
Labadan nin oo yeeshay dood socotay qaddar 90 daqiiqo..



Barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz oo Dimoqraaddi ah iyo Senator-ka gobolka Ohio, JD Vance oo Jamhuuri ah, isla markaana ah murashaxiinta xilka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, ayaa xalay dood kulul ku yeeshay magaalada New York.

 

Labadan nin oo yeeshay dood socotay qaddar 90 daqiiqo ah ayaa isku dayay inay soo jiitaan codbixiyeyaasha Mareykanka, iyadoo bil iyo 3 maalin ay ka harsan tahay doorashada madaxtinimada ee dalkan looga dareerayo bisha November.

     
Loading...