Xildhibaanada Kenya Oo Bilaabay Xil Ka-Qaadis Ka Dhan Ah Madaxweyne Ku Xiigeenka

Wednesday October 02, 2024 - 23:08:43
Hadhwanaag
Xildhibaanada Kenya Oo Bilaabay Xil Ka-Qaadis Ka Dhan Ah Madaxweyne Ku Xiigeenka

 




 

Xildhibaanada dalka Kenya ayaa markii ugu horeysay bilaabay hannaanka xil-ka qaadis ka dhan ah madaxweyne ku xiigenka dalka, Rigathi Gachagua.

 

Dedaalka la doonayo in xilka looga xayuubiyo Gachagua ayaa waxaa uu ka dhashay khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxweynaha dalka, William Ruto.

 

Xildhibaanada ayaa badankood saxiixay mooshinka xil ka-qaadista madaxweyne ku xiigeenka.

 

Waxay Rigathi Gachagua ku eedeynayaan inuu door ku leeyahay dibadbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay Kenya saddex bilood kahor, inuu ku lug leeyahay musuqmaasuq, inuu dowladda yasay isla markaana uu u ololeynayay kala qeybin siyaasadeed oo qabaa'illada dhexdooda ah.

BBC
     
Loading...